Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidamadii Ugu Badnaa Oo Ku Soo Jeeda Boorama iyo Dareenka Ku Xeeran

$
0
0

breakingnewsBoorama(Awdalpress) 22.12.2014-qaar ka tirsan shacabka degmada Gabilay  oo ay shabakada wararka  Awdalpress la xidhiidhay ayaa noo xaqiiyey in Baabuur tiradooda lagu qiyaasay 30 Kuwaasi oo isku jira Baroon iyo kuwo ciidamo saaran yihiin ay   ku soo fool leeyihiin magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal taasi oo maalmihii ugu dambeeyey ay xiisad cirka isku shareertay ka taagan tahay .

warar xogogaal ah ayaa sheegaya in ciidamadani cusub ee ku soo waajahan Gobolka Awdal ay keentay ka dib markii ay maamulka Somaliland warbaahinta ka arkeen ciidamo suldaan wabar taabacsan kuwaasi oo ku hanjabay in ay dagaaal la gali doonaan ,

si kastaba ahaatee Imaatinka ciidamadani ayaa ku soo beegmaya xili ay qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee Gobolada galbeedku warbaahinta la hadleen isla markaasina ay ka hor yimaadeen hadalkii ka soo yeedhay suldaan Wabar .

isku soo wada duuboo xukuumada ayaan ilaa hada kalsooni badan ku qabin salaadiinta hadashay isla markaasina dhagaha ka xidhay baaqoodii ahaa in ciidamada laga saaro Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Hargeysa.

Xafiiska wararka Borama ee Awdalpress.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles