Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La kulmaya Dhiggiisa Masar, El-Sisi

$
0
0

sisi-300x206Qarira(Awdalpress) 29.Dec.2014-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa casumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaas, Abdel Fattah el-Sisi, waxa uuna kulamo la qaadan doonaa inta uu halkaas ku sugan yahay madaxda dalka Masar.

Safiirka Soomaaliya ee Masar Cabdullaahi Xasan Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta la kulmi doono xog-hayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Nabil Elaraby iyo qaar ka tirsan madaxda ururka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi. Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Masar ay u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya.

BKL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles