Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Ku xigeenka Oo Hay’addii Korantada Barbera Ku Wareejinaaya Dad Caa’ilo La Ah Aqalka Madaxtooyada Iyo Shacbiga Ku Dhaqan Magaaladaasi Oo Si Xooga Uga Soo Horjeestay.

$
0
0

sayliciBarbera(Awdalpress)31.Dec.2014:-Madaxweyne ku xigeenka xukuumada sii lig liganaysa ee Kulmiye Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), ayaa hay’addii korantada ee magaalada Barbera ku wareejinaaya qaar ka mid ah dad caa’ilad dhaw la ah maamulka ka jira aqalka madaxtooyada.Waxaana ka mid ah dadka la doonayo in lagu wareejiyo mulkiilaha shirkada Dahabshiil, Ina-Xarbi, wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada Rashiid Gadhweyne iyo Suldaan Maxamed Axmed Sheekh.

Ma jiraan warar faah faahsan oo ka soo baxaaya arrintan balse sida ay ila wareedyo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen mareegta ramaasnews ayaa sheegaya in safar kadis ah oo madaxweyne ku xigeenku ugu baxay magaalada Barbera ay u jeedadiisu ku qotanto wareejinta hay’adda Korantada ee magaalada Barbera.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in waftigan madaxweyne ku xigeenka oo ay ku wahelinaaya wasiirka gaashaandhiga Somaliland, wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, wasiiru dawlaha aqalka madaxtooyada,wasiiru dawlaha waxbarashada iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan, ay illaa maanta galinkii hore kulamo gooni gooni ah ay la yeelanayeen waxgaradka,aqoonyahanka, madaxdhaqameedka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Barbera si qorshaha wareejinta hay’adda korantada ay ugala hadlaan, waxaana ay wararku tibaaxayaan in badiba dadkii ay kulamada la sameeyeen ay ku gacan saydheen qorshaha laga soo abaabuley madbakha aqalka madaxtooyada ee lagu naas nuujinaayo dad ehelo dhaw la ah maamulka hada sii liicaya ee ka taliya aqalka madaxtooyada Somaliland.

Waxaana badiba ay dad weynaha ku dhaqan magaalada Barbera ay illaa saaka dareen xooga ka muujinayeen talaabadan aadka u foosha xun ee xukuumada Siilaanyo hay’adda Korantada ugu wareejinayso dad gaar ah oo ganacsato ah, iyada wararku sida oo kale intaasi ku darayaan in illaa hada la isku mari la’yahay in talaabadan lagu dhaqaaqo maadaama ay shacbiga ku dhaqan Barbera ay hada ku dhawyihiin in ay si cadho leh ay arrintan uga gadoodaan.

Tan iyo mudadii ay xilka haysay xukuumada Kulmiye ayaa  waxaa mar walba lagu dhaliilaa in ay hantida umadda ay ku naas nuujiso dad ehelo la ah dabaakhiinta isaga dab qaada aqalka madaxtooyada Somaliland oo ay shacbiga reer Somaliland si xooga uga qoomamaynayaan talaabadii ay xisbiga Kulmiye ugu doorteen in uu qabto talada qaranka Somaliland.

RMS

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Madaxweyne-Ku-xigeenka-Oo-Hayaddii-Korantada-Barbera-Ku-Wareejinaaya-Dad-Caailo-La-Ah-Aqalka-Madaxtooyada-Iyo-Shacbiga-Ku-Dhaqan-Magaaladaasi-Oo-Si-Xooga-Uga-Soo-Horjeestay.html#sthash.wgcrD6yk.dpuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images