Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan Oo Ka Soo Laabtay Masar

$
0
0

Hassan_Sheikh_MohamudMuqdisho(Awdalpress) 31.De.2014-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tegey dalka Masar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo mas’uuliyiin kale waxaa gegida dayaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay guddoomiyaha baarlamaanka, Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, wasiirro, mudanayaal baarlamaanka, taliyayaasha ciidanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, intii uu joogay dalka Masar wuxuu wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Abdifattah al-Sisi oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dowladood gaar ahaan xagga dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, tababarka ciidamada, iyo in Masar ay hormuud u noqoto dadaalka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha waxay wada-hadal yeesheen Xog-hayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Imaamka Azhar.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images