Muqdisho(Awdalpress) 31.Dec.2014-Xildhibaannada baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2015-ka oo dhan 239.9 milyam oo Doollar.
Kulanka oo ay xaadireen 162 mudane ayaa waxaa guddoomiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlammaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.
Miisaaniyad-sannadeedda oo lagu ansixiyey cod gacan taag ah ayaa waxaa oggolaatay 148 mudane, waxaana diidday shan mudane, halka ay ka aamustay sagaal kale.
Mudane Cawad oo ku dhawaaqay natiijada codka loo qaaday ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2015-ka ayaa sheegay inay ansax tahay miisaaniyaddu.
Xildhibaannada baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka doodayey ansixinta miisaaniyadda dowlada ee sannadka 2015-ka oo ay soo jeedisay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.





