FAALO:Marka aan dib u yara milicsano gooni isu taagi S/land 18 may 1991kii ee lagaga dhawaaqey shirkii Burco, waxaa ka horeeyey ku dhawaaqistaas shir beeleed balaadhan oo beelaha S/land degaa isugu yimaadeen magaalada Sheekh ee duleedka Burco ku taala, shirkaas waxyaabaha ugu waaweyn ee lagaga Hadley waxa ay ahayd in dib u heshiisiin la sameeyo dhamaan dhulka Somaaliland isla markaasina beelaha wada dega is cafiyaan, waxaana si fiican loo lafa gurey in laba beelood ay ahaayeen kuwo taageersanaa dawladii milatariga ee la ridey halka ay beesha dhexena ka taageersanayd jabhadii SNM markaa in wixii hore ee dhacey laga soo qaado caano daatey dabadood la qabey.
Shirkaas Burcona waxaa lagu amaamudey gooni isu taagii iyo jiritaankii S/land kaasi waxaa ku xigey oo noqoyana shirkii sadexaad ee beelahani isgu yimaadaan shirkii Boorama 1993kii, shirkan ujeedada ugu weyni waxa ay ahayd in qaab maamulka iyo haykalka dawlada ee manta jira la dhiso ,sidoo kale waxaa aad shirkaas loogu gorfeeyey saami qaybsiga beelaha ee ay ku yeelanayaan dawlada la dhisayo, laakiin waxaa muuqata in waxyaabihii shirkaas danbe ka soo baxey baryahan danbe si fiican looma dhaqan galiyo.
Kolay ma oggi waxa ay isku seegeen Suldaan Abuu Bakar Cilmi Wabar iyo Dawlada S/land iyaga ayaana iga og khilaafka xogtiisa iyo meesha uu ku qotomo muranka cusub ee maalmahan ka dhex bilaabmey labada dhinac, waxaanse isku dayi doonaa in aan isku hagaajiyo oo aan isku duba rido falanqeynta iyo faaqidaada kala duwan ee ay ka bixiyeen Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta,Odayaasha dhaqanka iyo Culimada guud ahaan.
Intaas aan soo xusey qofba dhinac ayuu ka eegayaa dhacdada sidii uu u falanqeyn lahaa waxaanu guuxa dadka qaar ahaa in aanu Suldaan Wabar la tashi balaadhan sameyn markii uu ku dhawaaqayey in uu sameynayo kacdoon, waxaanay ku adkeysanyaan in cabasho jirto guud ahaan oo ay ka dhaga adagtey xukuumada S/land taasina waxa ay u baahneyd halgan siyaasadeed ee looma baahna mid hubeysan.
Waxaa jira koox kale oo leh dadka waa loo hor kaca ama loo bilaabaya wixii la rabo in la sameeyo ama abaabulka waa la tusaa kaliya taasi ayuuna ku dhaqaaqey Suldaanku oo ay kagaga deydeen dad kala duwan oo ah bulshada qaybeheeda kala duwan.
Sida ay u wajahdey arintan xukuumada S/land ayaa iyadu aad mid loogu dhaga faarey noqotey hadii aan waxoogaa dib u fiirino odayaasha dhaqanka oo isku duuban oo dabcan Suldan Wabar kaliya ka reeban yahay ayaa bishii Ogost 2014kii ayey hor fadhiisteen madaxweynaha una sheegeen cabashooyin balaadhan oo ay ka soo ururiyeen meesha taasi oo ku salaysneyd saami qaybsiga iyo sida beesha dhexe ay mudo ka badan 20 sano u garwaaqsan la’dahey in Somaliland tahay waxa la wada leeyahay oo ka wada dhaxeeya beelaha wada dega, waxaaney ka dhawaajiyeen in uu socda dulmigii ay ka dhiidhiyeen waagii dawladii hore ee milatariga ahayd arintaas waxaa ka garaabey siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo si cad ugu dhawaaqey in aan si fiican aanay xukuumadu u dhageysaneyn cabashooyinkaas ay soo tabiyeen odayaashaayi.
Waxa ay qabaan falanqeeyayaasha qaarkood hadii ay Xukuumadu markii uu dhawqa Suldaan Wabar soo yeedhey ay dhinac dhaqan iyo siyaasadeed ka eegi lahayd oo ay ka deyn lahayd in ayna ku eegin aragtida amniga ah oo kaliya oo ay dhaqdhaqaaqa ciidanka xadidi lahayd ama ayna talaabadaasba qaadin in ay lahayd meel arinta laga qabto, laakiin hada sida ay qabaan dadkaasi arinta waxa ay u dhawdahay in ay faraha ka baxdo, waxa ay ku salaynayaan fikradoodaas in markii hore Suldaanku uu ka dhawaajiyey kaliya in aan la tix galin oo aan la qadarin sidii ay odayada dhaqanku wax u dhigeen, talaabadii labaadna horey waxa uu ugu sii socday in uu hadalkii ugu cuslaa ama ugu qarada weynaa ka dhawaajiyo oo uu yidhaahdo waan ka go’ney S/land waxaanan wax la qabsneynaa Federaalka Soomaaliya.
Markaa markii hore xaalku waxa uu taagnaa in gudaha Somaliland uun ay kala cabanaysey waxaa hada soo kordhey in uu Suldaanka iyo taageerayaashiisuba ay xayndaabkii ka baxeen oo ay qaateen go’aan ah in ay kalsoonidii kala noqdeen Somaaliland inkasta oo wali waan waan laga gali karo sida muuqata hadii dhibaatada jirideeda la abaaro oo aan la iska indha tirin xaqiiqooyinka jira maxaa yeelay dagaal waxa uu ka bilaamaa hadal waxaanu ku dhamaadaa hadal laakiin goormaa la garan inta labada hadal u dhaxeysa wixii dhici lahaa inta aanu dhicin in laga hor tago oo la furdaamiyo waxyaabo badan iyo caqabado ku deyran dhibaatooyinka jira .
Qalinkii :Xasan Ciise Rage
N.B Qoraalkani iyo aragtidani kama turjumayso fikirka shabakada ee waxay gaar u tahay qoraaga.





