Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faallo: Shirkii Beelaha Gadabuursi ee Salaadiin ka mid ah beelahaasi ay iclaamiyeen in uu qabsoomayo, Maxaad kala socotaa?

$
0
0

faallo

Immiga iyo haatan, waxa dadka Gadabuursi badankiisu ku talinayaan, in dib loo dhigo shirka, maaddaama lagu mashquulsan yahay xallinta shaqaaqada ka jirta gobollada galbeedka, oo aad la isugu maan dhaafsan yahay. Oday dhaqameedyaduna ay horta u guntadaan sidii ay uga qayb noqon lahaayeen xalka, balse aanay u fiicnayn ka mid noqoshada dhibta iyo tafaraaruq mujtamacooda. Waxa kale oo odayada looga fadhiyaa in ay qeexaan ajandaha shirka, isla markaana ay hoos u soo celiyaan oo ay waxgaradka beeluhu iska arkaan waxa  ujeeeddada shirku uu faa’iido iyo khasaare u leeyahay.

 

Oday dhaqameedyada beelaha galbeedka Somaliland oo uu hoggaaminayey Ugaaska Gadabuursi,  ayaa muddo laga joogo sannad ku dhawaad ku baaqay in la isugu yimaaddo shir weyne loo wada dhan yahay oo lagaga tashado arrimaha beeluhu wadaagaan, balse wax ajanda ah la islama soo qaadin wakhtigaasi. Muddadii bilaha ahayd ee uu Ugaaska Gadabuursi joogay magaalada Boramana waxa si is daba joog ah u socday shirarka iyo falanqayn ku wajahan talo wadaag meel kaliya laga hoggaamiyo oo ay dadka Gadabuursiga ahi helaan.

 

 

Haddana muddo kadib waxa ay oday dhaqameedyadii qayb ka mid ah oo aanu ku jirin Ugaasku ay u weecdeen dhinaca siyaasadda iyo horumarinta. Sida laga dheregsan yahayna waxa ay hujuum adag ku qaadeen maamulka Somaliland,  oo ay ula tegeen gar-naqsi ku saabsan saami qaybsiga iyo wax loogu yeedhay cabashooyin ay gobollada galbeedka Somaliland tirsanayaan.

 

Shacabkii sugayey wada tashiga lagu dhawaaqay ee loo qoondeeyey degaanka dooxada Gob ( oo aad uga fog magaalooyinka Borama, Zaylac, Lughaya, Baki, Dilla, Boon, iyo Gebilay ), ayaa mar kaliya ku ambabaray mooshinkan siyaasadeed ee hore looga quustay, balse odayadu ay falashoodii boodhka ka jafeen, sida la qabana gaadhsiiyey meel wanaagsan. Isla wakhtigaa ay odayadu wadaan mooshinka siyaasadeed ayey haddana degta u riteen mashruuc gaabis ahaa oo ay shacabka gobollada galbeedku u guntanaayeen kaasi oo ahaa dismaha dekedda Lughaya.

 

Mashruucaasi lagu dhisayo dekedda Lugahaya oo lagu ogaa urur laga dhisay North America oo la yidhaa ARDAA, uuna hoggaanka u hayey Mudane Ibrahim Aw Ahmed Absiye ( Jumca ).  Ayaa noqday mid mar kaliya ka dhex muuqday isla oday dhaqameedyada beelaha Gadabuursi, waxana ay mashruucaa u xil saareen koox ka mid ah oday dhaqameedyada.

 

Haddana mudda yar ka dib, waxa Engineerro soo waday Ugaaska Gadabuursi, Ugaas Abdirashid laftiisa, waxana ay yimaaddeen magaalada Borama. Waxase nasiib darro noqotay in Ugaaskii ay u suurto gali weydo in uu khubaradii geeyo Lughaya, oo ay dib ugu noqdeen Ethopia. Sababta ay sidaasi u dhacday warkeediina hoos ayaa loo dhigay, laakiin shacabku waxa ay farta ku fiiqayeen in madax ka mid ah dawladda Somaliland ay sabab u ahayd suurta gal la’aanta arrintaasi. Laba cisho dabadeedna Ugaaska laftiisii ayaa dib ugu noqday Ethopia.

 

Muddo gaaban oo bil ama laba ah kadib, waxa magaalada Aw Barre kulan jilbaha la is dhigtay isugu yimid oday dhaqameedyadii ugu fir fircoonaa gobollada galbeed iyo Ugaaskii, shir maalin socday ayaana lagu wada falanqeeyey arrimihii markaa jiray iyo qabsoomidda shirka la iclaamiyey oo markaa wakhtigiisii soo dhawaaday. Kulankaa oo saxaafaddu dibadda ka ahayd, ayaa noqday mid  warkiisii uu noqday qarsoodi, oo aan cidna loo sheegin.

 

Shirkii lagu ballansanaa ee beelaha Gadabuursi  ayaa baaqday dabayaaqadii sannadkii 2014ka. Waxana dib loogu dhigay bishii inna soo dhaaftay ee Disambar sannadkii 2014. Laakiin lama sheegin sababta baajisay. Shacabkuse waxa ay is fahamsiiyeen in loo baajiyey mooshinkii ay odayadu galeen, oo aan weli jawaab laga hayn xukuummadda Ahmed Siilaanyo.

 

Markay halkaa marayso ayaa bishii Disambar ee la ballansanaa horraanteedii waxa mar kaliya is beddelay jawigii gobollada galbeedka Somaliland, kadib markii uu Suldaanka Jibriil Yoonis, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar isaga oo ku hadlaya magaca beelaha Gadabuursi  uu ku dhawaaqay in beelaha Gadabuursi ay gebi ahaanba ka bexeen maamulka Somaliland. Dhawaqaasi oo dhinbiil ku noqday Maamulka Somaliland ayaa kaga fal celiyey in uu gobolka keeno ciidan aad u badan, iyaga oo ay misna garab socdaan wufuud wasiirro ka kooban. Balse waxa ay shacabkii gobolkaasi kala hor tegeen muddaharaadyo ay natiijadeedii noqotay in carruur badan iyo xildhibaannana jeelka Madheera loogu taxaabo.

 

Dhawaqan Suldaan Wabar markii aad loo faalleeyey, waxa shaki laga muujiyey awoodda uu isku hallaynayo, iyo quwadda uu dhabarka ku hayo, waxana laga geyn waayey dhinaca Ethopia. Oo baryahaaba lagu tuhunsaa in siyaasaddeedu ay ka ballaadhan tahay mid dal gaar ah amma qoomiyad ama qabiil gaar ahi ay ku faa’iidaan, una fidsan mid ay doonayso in ummadda geeska Afriki iyada oo siman ay u midowdo wax wada qabsi iyo midnimo. Khayraadka dhulalkoodana ay ka wada faa’iidaystaan. Degaan kastana lagala tashado dadka uu Ilaahay ku abuuray ee deggen.

 

Bilowgii hore ee shaqaaqadan gobollada galbeedka ku cusub,  waxa ay oday dhaqameedyadii isla garteen in ay hawshan culayskeeda leh wakhti siiyaan oo aanay ku deg degin in ay ka hadlaan. Balse waxa ay haddana ka fursan weydey in ay ka hadlaan. Hase yeeshee, sidii la rabay ugamay hadlin. Waxana ay ku rafteen in ay runta ka meer meeraan ama u dhacdayba in ay ku kala fikir duwanaadaan. Xukuumaddiina waxa ay culays ku saartay in ay wada shaqayn la sameeyaan, sidii ay hawshan Suldaan Wabar isaga kaashan lahaayeenna ay dariiqeedii la yimaaddaan, oo ay arrintan meel uga soo wada jeedsan ka oday dhaqan ahaan iyo ka dawlad ahaanba.

 

Shacabka gobollada galbeedka Somaliland ayaa muddooyinkaa soo jiitamayey waxa ay arkayeen rajo isku soo dhawaansho, rajo uu hooggaankii shacabkaasi u guntaday talo wanaagsan iyo hoggaamin toosan. Laakiin waxa mar kaliya hoos u soo degtay rajadii ay oday dhaqameedyadu qacmaha isku qabsadeen ee laga sugayey. Kala hadal iyo doca docaysi ayaana laga dhex dareemay odayadii. Taasina dareen taban ku yeelatay qurba jooggii iyo dhallin yartii rajada fiican ka qabtay in ay hoggaan wanaagsan heleen.

 

Mad madawga iyo tuhunka soo kala dhex galay oday dhaqameedyadii gobollada galbeedka Somaliland, waxa uu saamayn ku yeeshay shirkii guud ee beelaha Gadabuursi ku ballansanaayeen, oo qaarna ay qaaddeceen,  qaarna ay ka go’an tahay in la qabto. Maalmahan inna soo dhaafayna waxa kooxda shirka qabsoommiddiisa dabada ka riixaysaa ay iclaaminayeen in uu shirkii qabsoomayo, balse waxa dhinacyo kale ka muuqda in aan xilligan la qaban karin, oo aanay suurta gal ahayn maaddaama ay hawl ka culusi gobolkii ka jirto.

 

 

Shirkan oo aan weli la ogayn Ajandihiisa, isla markaana aan hoosta laga soo dhisin oo aanay beeluhu hore gooni gooni isaga soo arkin. Ayaa dad badani aamminsan yihiin in uu korka uun kaga yimid. Shiki badanna ka muujiyey sida loo wado iyo cidda ceelka guntiisa ugu jirta. Si kastaba ha ahaatee, waxa iyana hore ay uga dayrinayeen meesha lagu qabanayo oo aan ujeeddada loogu qabanayo aan la fahmin. Maaddaama ay tahay meel cidla ah, aan lahayn adeegyadii loo baahnaa.

 

 

Immiga iyo haatan, waxa dadka badankiisu ku talinayaan in dib loo dhigo shirka, maaddaama lagu mashquulsan yahay xallinta shaqaaqada ka jirta gobollada galbeedka, oo aad la isugu maan dhaafsan yahay. Oday dhaqameedyaduna ay horta u guntadaan sidii ay uga qayb noqon lahaayeen xalka, balse aanay u fiicnayn ka mid noqoshada dhibta iyo tafaraaruq mujtamacooda. Waxa kale oo odayada looga fadhiyaa in ay qeexaan ajandaha shirka, isla markaana ay hoos u soo celiyaan oo ay waxgaradka beeluhu iska arkaan waxa  ujeeeddada shirku uu faa’iido iyo khasaare u leeyahay.

 

Awdalpress

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images