Xukumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta si cara leh uga jawaabtay cunaqabateyno cusub oo uu Mareykanku ku soo rogay Pyonyoung, taasoo ay ugu yeertay siyaasado cadaawad iyo wax caburin ay ka buuxdo oo ay qaadatay Washington.
Mareykanka ayaa cunaqabateyntan cusub ku soo roggay Kuuriyada Waqooyi isagoo kaga jawaabaya weerar dhinaca internetka ah oo loo geystay shirikadda Sony Pictures Entertainment sanadkii tagay, kaasoo uu mareykanku ku eedeeyay inay ka dambeysay kuuriyada Waqooyi
Madaxweynaha Maraykanka ayaa jimcihii saxiixay wareegto cusub oo cunaqabateyn ah taasi oo si gaar ah u beegsanaysa sadex hay’adood iyo 10 shakhsi oo ka tirsan xisbiga shuuciga ee dalkaasi kuuriyada waqooyi ka jira .
VOA.






