Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al-Shabaab oo wiil dhallinyaro ahaa ku gowracday Baladweyne

$
0
0

Borama(Awdalpress) 05-Jan-2015-Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta wiil dhalinyaro ahaa ku gowracday duleedka galbeed ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Malleeshiyada ayaa wiilka ay gowracday oo lagu magacaabo Cabdi Sahal ku eedaysay inuu la shaqaynayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Maxamed Cismaan Cabdi oo Bar-kulan u xaqiijiyay dhacdada ayaa sheegay in meydka wiilka la keenay magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wiilka la gowracay uu ka mid ahaa koox wadaaddada loo yaqaanno Tabliiqa oo saaka ka ambabaxday magaalada Baladweyne.

Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhowr goor oo hore gobolka Hiiraan ku gowracday dad ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen dowladda Soomaaliya.

BRK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images