Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faransiiska oo Aqoonsaday Raggii Weeraray Wargeyska

$
0
0

Hay’adaha Ammaanka ee Dalka Faransiiska ayaa aqoonsaday kooxdii geysatay weerarka ay ku dhinteen 12-ka qof oo lagu qaaday Wargeys ka soo baxa dalkaaasi.

Mid ka mida dadkii weeraray Wargeyskaas ahaana qofka ugu da’da yar saddex qof oo weerarkaas geystay ayaa isu dhiibay ciidamada Booliska.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in Hamyd Mourad oo 18 jir ah uu isu dhiibay ciidanka Booliska, xilli si weyn loo baadi-goobayey shalay oo dhan isaga iyo laba nin oo kale oo walaalo ah oo loo haysto weerarkii lagu dilay 12 qof ee lagu qaaday Wargeyska.

Xog badan lagama hayo sida uu ugu gacan galay ciidamada booliska iyo in xoog lagu qabtay iyo inkale toonna.

Hamyd Mourad ayaa ka soo jeeda magaalada dhinaca woqooyi bari ku taalla ee Reims, halkaas oo wararka ka imanayaa ay sheegayaan in ciidamada la dagaalanka argagixisadu inay goobtaas ka wadaan hawlgallo kala geddisan.

Baadi-goobka loogu jiro labada nin ee walaalaha ah ee la kala yidhaahdo Said iyo Cherif Kouachi oo iyagu ku noolaa magaalada Paris ayaa xilligan si weyn u socda.

Ciidanka Booliska ayaa raggan aqoosaday ka dib markii la helay kaadhka aqoonsiga mid ka mida kooxda weerarkan geysatay oo laga helay goobtii weerarku ka dhacay.

Kooxdan weerarka geysatay ayaa ku dishay 12 qof xarun wargeys oo lagu magcaabo Charlie Hebdo oo ah wargeys toddobaadle ah.

VAO.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles