Muqdisho(Awdalpress) 11-Jan-2015–Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Britian u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhaxeeya xafiiska raysul wasaaraha cusub iyo safaaradda Britian ee Soomaaliya, dardar-gelinta howlaha muhiimka ah ee hor yaalla xukuumadda cusub sida dhismaha guddiga doorashooyinka iyo dhammeystirka nidaamka federaalka.
Raysul wasaare Cumar ayaa sheegay inuu sii wadi doono wada-shaqeynta u dhaxeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Britain.
Danjire Neil ayaa ka dalbaday raysul wasaaraha inuu si dhaqso ah u soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka miro-dhalin karta hiigsiga 2016, isagoo intaas ku daray in dowladdiisa ay taageero la garab taagan tahay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaalida.