Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dr. Bayle iyo Siyaasada Arimaha Dibada Soomaaliya

$
0
0

beyleTan iyo burburkii dawaladi dhexe ee Soomaaliya waxaa la odhan karaa ma jirin siyaasad arimaha dibada ama xidhiidho caalami ah oo buuran oo jirey oo ay lahaayeen hogaamiye kooxeedyadii iyo dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee iska dan danbeeyey sheegashada  maamulka iyo hogaaminta Soomaaliya, xidhdhiidho wax baa ka jirey laakiin lama odhan karo waxa ay ku dhisnaayeen kuwo ka dhaxeeya laba dal ama dawladood oo isku dhigama waxes jire kacaa kuf badan oo hadheeyey xidhiidhada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo aduunka kale.

Hadii aan ka soo qaadno dawladihii ku  meel gaadhka aha ka bilow Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdilaahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed iyo tan Xasan Sheekh Maxamuud  dhamaan waxaa hadheeyey khilaafaadka gudaha ka jirey ee u dhaxeeya Baarlamaan, iyo Xukuumada ama Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare tan danbe ayaana ah ceebta ilaa hada joogsan la’ mudane Jawaari iyo Baarlamaankiisu waa ka roon yihiin sidii kuwii hore inkasta oo ay lee yihiin  eedaha ah in ay marba wax madaxtooyadu rabto ay gacanta u taagaan.

Teenan hada taagan iyo hawl qabadka wasaaradaha arimaha dibada ee mudadaas kala duwanaa  aan ku koobnaado oo yaanu hadalku ila taraarine, waxaa muuqata in wasiir kastaa oo loo magacaabo jagada wasiirka arimaha dibada uuna ka fakan kareyn cilada la wada daadegtey  hab sami u socod la’aanta ragaadisey xukuumadihii jirey waxaaba la odhan karaa wasiirada qaarkood mudada ay fursadaas  ay haystaan dalxiis kama daali jirin oo maalinba meel ay ka daalici jireen taasi oo kharash badan iyo hanti ku lumi jirey safari aan ummada waxba uga dan ahayn inkasta oo  markii Marwo  Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam loo magacaabey wasiirka arimaha dibada ay dhawr jeer Juba u dirtey diyaarado soo qaada Soomaalidii ku xanibantay halkaas markii qalalaasuhu ka dhacey meeshaa.

Hadaba Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle markii jagadan loo soo xuley markii uu saaxiibkii ahaa ra’iisal wasaaraha mudane Cabdiwali Sheekh Axmed waxaa dad badan is lahaayeen waa dhaqaale yahan kaliya garanaya sida mashaariic loo abuuro ama lacag loo kobciyo oo dhinaca xidhiidhada caalamiga ah iyo ololeheeda wax badan uga furana, inkasta oo aanan aqoon buuran u lahayn wasiirka hadana waxen is leeayahay in uu intii uu ka mid ahaa madaxda Bankiga Horumrinta Afrika uu sameystey xidhiidho fiican oo qaarada dhexdeeda ah iyo kuwo dibada intaba kuwaasana uu maanta si fiican u maaley mudadii koobneyd ee uu joogey wasaarada inkasta oo cudurkii khilaafka la odhan jirey dawlada uu ka tirsanaana uu riday.

Iyada oo ay taagan tahay mushkiladii khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihii horena waxa uu ku qanciyey dhigiisa wadama IGAD in ay shirkoodii 53aad ee aan caadiga ahayn ay ku qabtaan Muqdisho oo mudo ka badan 35 sano aanay ururi goboleed iyo kuwo caalami ah midna aanay ku kulmin taasi oo qabsoomida shirkaas iyo hirgalintiisa loo tirinayo mudane Bayle iyo inta la hawl gasha sida ay arintaas uga dhalaaleen.

Waxaana la rajeynayaa in uu shirara kale oo caalami ah uu keeno in ay ku qabsoomaan gudaha dalka kuwaas oo aan is leeyahay waxaa ugu horeeya shirka midowga Afrika kaasi oo kaalin xoogan ka qaada dhaqdhaqaaqyada ay urur goboleedyadu ka wadaan qaarada gudeheeda.

In uu ninkaasi Bayle yahay nin wax tar ah waxen dareemey sanadkii 2010kii markii ay dhacdey doorashadii madaxtinamdii S/land ayaa waxa uu ka hir galiyey deegaanka GEB (GOB) oo ka tirsan degmada Lughaya iskuulka hoy ah ( Boarding school) kaasi oo ay dadka baadiyaha ku dhaqan oo caruurtoodu aanay fursado waxbarsho sare helin ay ka faa’ideystaan, waxaa la yaab noqotey in dugsigaasi maanta yahay kan ugu ardeyda badan marka laga tago iskuulada ku yaala magaalada Boorama dhexdeeda, xafaladii furitaanka dugsigaas oo aan saacado kooban joogey waxen is waydiinaayey cida dhigan doonta iskuulka meesha cidlada ah ku yaala?

Waxaa kale oo waxqabadyada wasiirkan ka mid ah in maalmihii u horeeyey ee xilka lagu wareejiyey uu albaabada u laabey safaarado magic uun ahaa oo lagu qadhaaban jirey magaca ummada Soomaaliyeed waxaanu ka soo reebey dhawr safaaradood oo u islaa wax tar iyo lagama maarmaan ayey u yihiin dadkiisa iyo dalkiisa.

Qoraalkan oo aan diyaariyey  badankiisa intii aanu mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke  ku dhawaaqin golihiisa wasiirada ayaa waxen islaa Isaga iyo mudane Xasan Sheekh Maxamuud hadii ay wanaag rabaan malaha Bayle markana ka reebi maayaan golaha wasiirada waliba wasaaradiisa ayey ku soo celinayaan waxaana ii muuqada in damiirkooda wadanimo hada soo noolaanayo oo shaqeynayo ilayn waxaa na soo marey waxyaabo badan oo aan kaga niyad go’ney nimankaase.

Markaa Dr.Bayle hada waa ka culus yahay waajibkiisii kii hore sida ay cid walba garan garto waxaana looga fadhiyaa in uu hawlo badan ula qeexo una cadeeyo meelaha dalkiisa laga hago ama waxa ay taransan karaan, teeda kale waa nin Tixmaal ah oo heeso ay ka mid tayay Soomaaliya waa Mashruuc, Dugsiga Geb iyo kuwo kalena waa sameyey aftahanimadaas lafteeda ayaa macno balaadhan wada oo waxaaba yar in la helo qof isku darsada waxqabad iyo hadal macaan siduu doono ha ugu luuqeeyee laakiin waxaa muuqatada in ficilka iyo hadalka wasiir Bayle ay isku sar go’an yihiin.

Xasan Raage- Suxufi/ Qoraa Madax Banaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles