Qarax gaari ayaa ka dhacay dibadda hoteel ku yaalla aag aad loo ilaaliyo oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Booliska ayaa sheegay in wafdi Turkish ah ay ku shirayeen hoteelka SYL markii uu qaraxa dhacay, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri oo Jimco ah booqasho ku tago magaalada Muqdisho.
“Wafdiga Turkish-ka way badqabaan, gudaha hoteelka ayayna ku jiraan,” sarkaal ka tirsan booliska ayaa yiri.
Dhowr qof ayaa ku dhimatay weerarka oo ay ku jireen askar ka tirsan ciidanka dowladda.
Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegtay inay la beegsatay saraakiil ammaan oo ku shirayay hoteelka.