Awdalpress(Ankara) 22 Jan, 15–Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inuusan saamayn ku yeelan doonin qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho socdaalka la qorsheynayo in madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku tago magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Reysul wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa u sheegay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu in aysan waxba iska bedelin booqashada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu berrrito ku tegi doono Soomaaliya.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ayaduna sheegtay in wafdi hordhac ah oo ka socda dowlada Turkiga uu xiligani ku sugan yahay magaalada Muqdisho isla markaasa la isku haleyn karo ammaanka guud ee Muqdisho..
RBK