Guuleed inta uusan billaabin ka sheekaynta riyadii, ayuu wuxuu ku daahfuray afarraydan, oo yiri:
“Xalay baan riyoodoo
Ruuxaani ii timid
Lay rarey cirkaa sare
Raggaad wada taqaanniyo
Arkay niman raajaalo
Ra’iiskeenna Cumariyo
Raxan wada wasiirra ah
Xasan iyo raggiisii
Rafaad badanna waa jiray
Rayn raynna lama qabin
Roob waa la sugayaa
Rajaa weli inoo maqan
Ruux lahaana waa jiray!”
Markaa ka dib, ayuu Guuleed yiri:
“Riyadu waxay ku saabsan tahay Ina Sharmarke iyo…” intaa marka uu Guuleed yiri, ayaa waxaa hadalkii ka dhexgalay Aw Raage, oo yiri:
“Riyadu ma siyaasad ayeyba ku saaban tahay? Mar haddaad tiri Ina Sharmarke wax kale ma noqon kartee!” oo inta is celin waayey farxad awgeed, ku yiri:
“Guuleed, amaad qof kale u sheegtay horteey?” Una raacshay:
“Nabee, haddaad qof kale u sheegtay waa kala dhimmanaynaa. Waa ogtahay, inaan siyaasadda aad u xiiseeyo, qof aan aniga ahayn, ma rabo inuu ka sheekeeyo dhacdadan. Hadda ayeyba ii muuqataa xiisaheeda, ee ii wad sheekada, yaanan kaa qaasine, anna iska qasine!” Guuleed ayaa ku yiri Aw Raage:
“Waligaaba marka aad Siyaasad maqasho waa bururi jirtaye! I dhagayso horta, aan sheekada daba iyo illaa dacal kaaga sheekeeyee, xiiso dambe inay kugu qabato iyo in kale” oo waliba u raacshay:
“Aw Raagoow, waxaan ka baqaa inaad Siyaasadda dhanba ka salguurto, ee hadhaw aniga ha igu eedin.” Intaa ka dib, ayaa Guuleed ku laabtay ka sheekaynta riyadii oo yiri:
“RW Ina Shamrmarke, ayaa waxaa waraysi ugu yimid Wiil dhuuban, oo indha godan, daan dilan, ilka dabar ku leh, oo foodi u jiran tahay, xiran shaar holof holof ah, oo ka weyn, surweel luga midabbbo leh, inta sarana ka ah boorboor, oo ka dhacdhacaya, indha gashi madaw ee qorraxceliye ahina u xiran yahay.
Markii uu albaabka ka soo galay, ayaa waxaa indhaha ku dhuftay Ina Sharmarke oo yiri;
“Kanna muxuu ahaa? Ma waardiyeyaasha ayuu ku soo biiray, horayba uma arage?” markaa baa lagu yiri:
“Waa wariyihii aad la ballansaneed, ee aad sugaysay!”
“Haa, soo gudub, oo hore u soo dhaaf” ayuu ku yiri. Ina Shamrmarke isagoo damcay inuu sare isu taago, i uu u gacanqaado, ayaa wariyihii isagoo rukuucsan ku tagay RW oo ku yiri:
“Sayiddii, iska fadhi anaa kaa fudude!” markaa baa Ina Sharmarke ku yiri:
“Ma daacad bay kaa tahay mise wax baad iigu qarinaysaa?” Markaa buu ku iri:
“Ma kula tahay inaan wax kuu qarin karo ama la iigu kaa soo diray taa. Waxa la iigu kaa soo xulay, ee aad adna ii soo dalbatay wuxuu ahaa inaan ahay laabxaarre aan xeel aqoon iyo xaraf leexin!” markaa ka dib, ayaa Ina Sharmarke yiri:
“Horta kaalay wariyeyaashu miyeysan labbiska iyo qaabkasan ee dharka loo xirto aqoon, waa kuwa aad wada mooddo DHOORREYAALE?”
Wiilkii TVga ka socday, ayaa yiri:
“Oo yaa naga labbis qurxan! Anigan aad i arkee, saacad baa la ii labbisayey, sidii inan aroosoo la aqalgaynayo ama la galbinayo, adna ma sidan ayaad leedahay? Anaguna waxaan is weydiinnaa, qofku marka uu bilo ama sanado qurbaha soo joogo, waxa uu mar walba u dhaliilo waxa dalka ka jira!”
Ina Sharmarke, ayaa ku yiri:
“Horta, Sayid hal nin baa Soomaali laga yiraa, waana Sayid Maxamad Cabdille Xasan, ee anigu RW ayaan ahay. Midda kale, anigu illaa hadda inay magac u tahay iyo inay naynaas u tahay maba kala ogi, haddana, isaga ayaan u aqaan, ee halkaa ka daa.
Ta kale, aniga ayaantaan XALWEYSTE ayey iila bexeen, mase oga, anigu XALWWADDA waa ku faanaa, waliba waxaan ugu jeclahay Xalwada Xaaji Ciise, maxaa yeelay, anigu ciyaal xaafad iyo Xamar baan ahay. Dadka eraygaa ku celcelinayana, waa reer gobol iyo dhashii geeljirrada, ee aan magaalo iyo macaankeed waxba ka aqoon! Haddana, aan gudagalno waraysiga, oo iga boobsii, waxaa ii sugaya wufuud badan oo caalami iyo cayayaan isugu jiree!”.
Fisha qaybta xigta ee qormada.
Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com