Awdalpress – Muqdisho – Xildhibaannada baarlamaaanka Somalia ayaa shalay ka dooday dhismaha guddi madax-bannaan oo loo samaynayo doorashooyinka dalka ka dhici doona 2016ka. Xildhibaanada ayaa talooyin ka dhiibtay akhrintii saddexaad ee hindise sharciyeedka guddiga doorashooyinka.
Mudanayaasha kulanka ka hadlay ayaa qaarkood soo jeediyay in guddigan dhismihiisa si xoogan looga shaqeeyo, maaddaama uu yahay guddi muhiim u ah dalka, isla markaana la soo xulo shaqsiyaad howl-kar ah.
Intaa kaddib guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka guddoominayey oo ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in xubnaha baarlamaanka ay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loosoo gaba-gabeyn lahaa shaqooyinka u yaalla, sida hindise sharciyeedyada muhiimka ah.
Jawaari ayaa sheegay in ka hor shanta bisha Febraayo ee soo socota la meel-mariyo dhammaan hindise sharciyeedyada horyaalla baarlamaanka, xilligaa oo ay xildhibaannadu ay galayaan fasax xilliyeedkoodii caadiga ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xubnuhu ay cod u qaadaan hindise sharciyeedka hanti-dhowrka Qaranka, kaasoo horay u soo maray dhamaan sadexdii akhrin ee sharciga ahaa sida uu qabo xeerka baarlamaanka Soomaaliya.
Awdalpress




