Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

MADAAFIIC XALAY LAGU GARAACAY XARUNTA MADAXTOOYADDA SOOMALIYA

$
0
0

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho
iyadoo ay saaka ka socdaa degmooyinka Hodan iyo Holwadaag baaritaanno lagu soo qabtay boqolaal qof.

artilaryAwdalpress – Muqdisho – Hoobiyeyaashan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ku dhaceen afaafka hore ee xarunta madaxtooyada iyo goobo ku dhowdhow sida xarunta nabadsugidda Qaranka.

Inkastoo aysan jirin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo duqeymahan ka hadlay ayaa haddana waxay ku soo beegmayaa xilli ay magaalada Muqdisho ka socdeen howlgallo lagu raadinayo kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab.

Madaafiicdan ayaa la sheegay inay tiradoodu ahayd afar madfac oo laga soo tuuray qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana mas’uuliyadda duqeymahan durba sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay weerartay madaxtooyada Soomaaliya.

Howlgallada socda ayaa waxay saameyn ku yeesheen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, sida xaafadda Black Sea, Baar Ubax, Al-Baraka iyo Warshadda caanaha.

Boqolaal qof ayaa lagu soo qabqbatay howlgalladan oo billowday aroornimadii hore ee saaka oo isniin ah, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo laba sano ka hor ka baxday Muqdisho ayaa waxay dhowr jeer oo hore sheegeen inay xoogag iyaga ka tirsan ku sugan caasimadda ayna la beegsan doonaan weerarro xarumaha dowladda Soomaaliya.

Bishii hore ayay ahayd markii duqeymo noocan oo kale ah lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya kuwaasoo ku dhacay daafaha xarunta, inkastoo aysan geysan wax khasaare ah.

HNN


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles