Lawyacado (Awdalpress)waxaan nasiib u yeedhay in aan la sheekaysto qaar ka mid ah dadka u kala soconaya magaalooyinka Boorama iyo Jabuuti kuwaasi oo warbixin iga siiyey lacagta laga qaado Magaalada Lawyacado ee Gobolka salal kuwaasi oo iftiimiyey in qof walba oo doonaya in uu galo dhinaca jabuuti laga qaado lacag dhan 30$ doolar , marka uu soo noqonayana sidoo kale laga qaado lacag intaasi la mid ah . marka hore ayaa waxaa laga qaadi jiray dadka adeegsada wadadaasi lacag dhan 3$ oo la mid ah 20,000 somaliland shilin.
Lacagtan ayaa waagii hore xataa aan qofka lagu dhibi jirin oo hadii uu laanta socdaaka meesha ku sugan u sheego in aanu heli karin 3 da doolar waa iska socon jirey laakiin hada waxa ay dhibaataduka taagan tahay in aad aragto dad da’ ah ama xanuunsanaya oo lagu dhibayo in ay lacagtaas bixiyaan ama iska noqdaan kuwaas oo aan looga jixin jixin sdia ay sheegaan socotada dariiqaasi.
Ma U malaynaysaa in miisaaniyada korodhay ee Somaliland isla markaana uu so gudbiyey wasiirka maaliyada Ina Samaale ay dhalisay culeyska la saaray Dadka u safra jabuuti .