Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Badhasaabkii hore ee gobolka Awdal Abdoo Aaryar maxaa lagu xasuustaa ee uu gobolka u qabtay? dadkase siduu ula dhaqmi jiray. Badhasaabka cusubina….???

$
0
0

Ramaax iyo Abdoo AayarDad badan oo reer Awdal ah ayaa aad uga hadlaya badhasaabka cusub ee dhawaan uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo u magacaabay gobolka Awdal oo la yidhaa Maxamuud Cali Saleebaan(RAMAAX), mas’uulkan oo hore uga soo shaqeeyey gobollada Saaxil iyo Sanaag. Dhinaca kalena waxa durba la dareemayaa dhib yaridii iyo dul qaadkii badhasaabkii hore ee Abdoo Aayar, oo ay dad badani u arkaan in uu ahaa nin hab dhaqankiisa bulsheed uu ahaa mid macquul ah, aan xad gudub iyo dhib kalena ku lahayn.

 

 

Haddii aan in yar milicsanno taariikhda Abdoo Aayar, beel ahaan waxa uu ka soo jeedaa Habar Jeclo,  waxana uu ka mid ahaa dhallinyaradii awaaligii dabayaaqadii lixdanaadkii ka qalin jabiyey dugsigii sare ee Sheekh, kadibna waxbarasho sare iyo shaqaba ka qabtay Somalia. Abdoo waxa uu in badan deggenaa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, kadibna waxa uu badhtamihii 2000 u soo guuray dalka Ingiriiska oo illaa immiga reerkiisu deggen yahay.

 

 

Abdoo Aayar waxa saddex sanno ka hor loo soo magacaabay badhsaabka goboka Awdal, waxanu beddelay Mudane Xaddi oo ka mid ahaa badhaasbyada miisaanka culus ku lahaa Somaliland aadna looga jeclaa gobolka Awdal. Waxa lagu xasuustaa Abdoo soo xero gelintii kooxdii la baxday maamul goboleedka Awdal ee uu hoggaaminayey Mudane Rashid Aw Nur Hirsi. Waxa kale oo lagu xasuustaa dhismaha guriga martida ee magaalada Borama.

 

Badhasaabkii hore ee Awdal waa Abdoo Aayare, waxa lagu dhalliilli jiray in aanu inta badan joogi jirin xafiiska, ee uu socaallo is daba joog ah iyo fasaxyo gaa gaaban uu ku tagi jiray Hargeysa iyo Burco ama dalka Ingiriiska oo reerkiisu ku sugan yahay. Abdoo ma ahayn nin dhib badan, aflagaado iyo hadallo dadka dhibana caado uma lahayn. Dhib kasta oo gobolka ka jirtana waxa uu u lahaa adkaysi. Sida la sheegayna waxa uu xidhiidh la lahaa dhammaanba madax dhaqameedyada gobolka iyo wax garadka gobolka. Laakiin waxa la sheegi jiray in culays badani ka saarraa siyaasiyiinta u dhalatay gobolka ee Hargeysa joogta, oo u arki jiray in aanu dhex dhexaad ka ahayn qabaa’ilka gobolka wada dega.

 

Mudane Maxamuud Cali Saleebaan(RAMAAX) oo ah mas’uulka cusub ee loo soo magacaabay badhasaabka gobolka Awdal, waxa uu siddeetanaadkii ahaa ganacsade ku shaqaysta gawaadhida waaweyn, kadibna waxa uu u dhoofay qurbaha, ugu danbayntiina waxa uu degay dalka Maraykanka oo uu ka mid  ahaa dadka aadka uga xoogsada ama muruq maalka ah.

 

 

Ramaax waxa ay saaxiibbadii ku sheegeen in uu ahaa nin jecel siyaasadda gaar ahaan gooni isku taagga Somaliland, had iyo jeerna waxa aanu ka maqnaan jirin shirarka bulshada Somaliland. In la sheegana waa nin caaddifi ah, oo lagu tiriyo in uu hore u xanaaqo. Balse dhanka kale waa nin ilbax ah, oo dadka ay is bartaan xidhiidh fiican la leh.

 

Badhasaabka cusubi hore ugama shaqayn gobolka, aqoon uu u leeyahay dadka degaankana in aanu lahayn ayaan u malaynayaa, dadka reer Borama ama Awdalla aqoon shakhsiyan ah uma laha mas’uulkan cusub. Degaan ahaanna waxa uu ka soo jeedaa magaalada Sheekh, waxana uu ka soo jeedaa beesha Ciise Muuse oo uu ka sii yahay Deerayahan.

 

Laakiin waxa ay dadka qaar ku xasuustaan ama ka biyo diideen hadallo aan qurux badnayn oo uu kaga jawaabayey waraysi uu bixiyey Prof. Alla Bari oo Marayka deggen, waraysigaa oo aan waxba ka khusay maamulkii uu ka hayey Sanaag ama aan u egayn mid laga xanaaqo, oo uu ku aflagaadeeyo saaxiibkii ay magaalo wada degganaayeen. Waxana malaha u habboon in uu raalli gelin ka bixiyo ereyada aan ku habboonayn qof mas’uul ah afkii.

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images