Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

SARKAAL SARE OO KA GOOSTEY URURKA DAACISH

$
0
0

zxzasAwdalpress( Khaas) Waxaa ka goostey ururka isku magacaabey dawlada Islaamka ee ka hawl gala wadamada Suuriya iyo Ciraaq sarkaas sare kaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Masar sida ay qortey warsidaha Ra’yu Al-Yoom oo uu tafatiraha ka yahay saxafiga wayn ee reer Falastiin Cabdulbaari Cadwaan, waxaanu warsidu cinwaan uga dhigey  ( Sheekadii Rifcad Al Hajaan ee ku dhax milmey safka Saraakiisha Daacish ka dibna Noqdey Sarkaar sare oo ka tirsan Sirdoonka Masaarida ka dibna la Goostey in ka badan 150 Malyuun oo Doolar iyo Macluumaad Qaali ah oo uu ururinaayey sadex sano).

Warsiduhu isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi sheekadani waxa ay u eg tahay dhacdadii Rifcad Al Hajaan, Hajaan oo ahaa jaajuus masaari ah oo baryihii lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii si aad u qorsheysan u dhax galay sirdoonka Yuhuuda ee lagu magacaabo Moosaad kaasi oo guul waaweyn oo ay ka mid tahay dagaalkii 1973kii ay Carabi Yuhuud ku waxyeelaysey ayuu kaalin libaax ka qaatey Musalsalana waa laga alifey intaas ka dib. markaa taas ayuu u ekaysiiyeen waxaany tidhi: warsiduhu in ay cadaatey in ninkaa sare ee ka Goostey Ururkaasi uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Masaarida waxaanu mudo  ku dhaw sadex sano ahaa  sarkaal sare oo xaga lacagta iyo dhaqaalaha u qaabilsanaa ururkaas.

Waxaanu baabuur weyn ka raacey dhinaca woqooyi ee dalkaasi Ciraaq isaga oo uu weheliyo hal qof oo kale isaga oo wata Boorsad ay ku jiraan 153 malyuun oo doolar iyo macluumaad qaali ah oo uu ka ururiyey ururkaas, waxaanu halkaas uga sii gudbey Kurtistaanta Ciraaq halkaas oo diyaarad aan la garaneyn ay uga qaatey meel aan la garney waxaana cataatey in uu ahaa sarkaas weyn oo ka tirsanaa Sirdoonka Masaarida, isaga oo darajadiisa lagu sheegey kabtan.

Waxaanu dhabar jab iyo murugo ku keenay nidaamka maamul ee Ururkaas iyo hogaankiisa sare, mudad uu la shaqeynaayey ninkani kooxda Daacish maalina lama xidhiidhin hogaankiisii hore ee sirdoonka waxaanay ka mid ahayd waxyaabaha qariyey in la fahmo sirta uu meesha ugu jiro.

Waxaa uu daaha ka rogey sida nidaamka lacagta ururkaasi u shaqeeyo ganacsato waaweyn ookahliijiyin ah oo gacan saar la leh ururkaas Xisaabaadka (Accounts) ay ku leeyihiin wadama Khaliijka Bankiyada ku yaala kuwo  kale oo ay ku leeyihiin wadanka Switzerland iyo meelo kale, waxaa kale oo u khalkhal ku abuurey hogaanka sare ee ururkaas oo ka shakisan in ay ku dhax jiraan rag kale oo meelo muhiim ah haya oo sidan oo kale ah.

 

Intaas wixii dheer halkan ka akhri warkaas   http://www.raialyoum.com/?p=215627

 

AWDALPRESS- BOORAMA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images