Qulujeed (Awdalpress) Iska hor imaad xoogan oo shalay ku dhax marey magaalada Qulujeed ciidanka S/land iyo xoogaga kacdoonka Suldaan Wabar, kuwaas oo wararka halkaas laga helo ee ugu danbeeyey ay sheegayaan in ay maalinkii shalay ahayd ay ky dhaawacmeen laba qof oo midi ahayd qof dumar ah oo rayid ah iyo hal askari, ayaa dagaalkaasi waxa uu sababay sida ay qeexayaan ila wareedyo kala duwan oo aan la xidhiidhney in uu sababay barakac baahsan oo magaalada ka dhacey shalay galabnimadii isla markaana ilaa maanta aanay ku soo laaban magaalada, dadka ka qaxay magaalada ayaa u badan Caruur, Dumar, dad waayeel ah iyo kuwo xanuunsanaya.
Xidhiidho kala duwan oo aan an kula samyenay khadka telefoonka magaalada Qulujeed iyo agagarkeeda dadka ku barakacay ayaa waxa ay noo sheegen in ay habeenkii xalay u ahayd mid aad u dhibaato badan ka dib markii ay k acabsadeen dadku in mar kale lagu dul diriro isla markaana ay door bideen in ay buuralayda iyo banaanada magaalada ay u kala firxadaan waxaana xalay dadkaas ku heshay goobtaas dhaxan qabow iyada oo hada lagu jiro dhamaadka xiliga jiilaalka buuralaydaasian ay can ku tahay dhaxanta iyo qabowga.
Ugu horeyn gudoomiyaha degmadaas Maxamed Hudoon Cusmaan oo xalay aan khadka telefoonka ku helay isaga oo markaas ku sugnaa magaalada Boorama ayaa sheegay in uu safar Hargaysa ah shalley ahaa uuna ka war qabao dagaalka dhacey magaalada waxaa kale oo uu intaas ku darey in uu og yahay in ay dadku xalay ka barakaceen magaalada oo ay duurka u hoydeen isla markaan ka gaabsadey in uu faahfaahin intaa dheer ka bixiyo isaga oo ku cudur daartey in aanu hada xogta wada hayn kuna fiican tahay in uu ka war bixiyo marka uu dhax tago magaalada.
Sidoo kale waxaa isna khadka telefoonka noogu waramey Cabdi axmed Daahir oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee UCID kuna sugan magalaada dhaxdeeda waxa uu yidhi cabdi: “ waxaa caawa magaalada u hoyana kaliya waxa aan ka badneyn 50 nin mana joogaan wax dumar, caruur iyo wayeel midna waaxa kale oo uu intaas ku darey in laba meheradooda kaliya xalay furnaayeen oo ay shaqeynayeen” waxaana cabsi laga qabaa ayuu raaciyey warar aan la hubin oo dhinaca kale naga soo gaadhey ayuu yidhi”
Maxamuud Cumar oo isana ku sugan meel ka mid ah meelaha ay dadku u bara kaceen ayaa sheegay in ay dadku ka cabsanayaan in ay magaalada ku noqdaan waxaanu sheegay in ciidan xoogan ay dhinaca xadka Itoobiya soo dul dageen isla markaana waxa uu intaas araaciyey meelaha ay dadku xalay u bara kaceen ee ay kala dageen in ay ka mid tahay meelaaha la kala yidhaahdo Rooble Ceebeed, Dhidhiib, Osalaale, Galiisha, Kalaawe, iyo Ambase ama Tiinka Ambase.
Sarkaal ka mid ah ciidanka S/land oo ka gaabsadey in magaciisa la xigto ayaa sheegey in uu aad uga xumaadey barakaca ku dhacey dadkaasi isla markaana aanu hada wax uu arinkaas ka qaban karaa jirin wuxuu intaas ku darey waxaan aad uga damqanayaa dumarka iyo caruurta caawa dhaxanta u hoyanaya.
AwdalPress Desk News





