Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kulankii koowaad ee ay yeesheen xukuummadda cusub ee ra’isal Wasaare Omer Abdirashid.

$
0
0

Xukuumadda_Cusub_ee_Somalia_2Awdalpress – Muqdisho – Ra’iisul wasaaraha Somalia Omer Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada xukuumaddiisa cusub ee shalay la ansixiyay, waxana ay diiradda saareen qaabka ugu habboon ee ay golaha wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaradahooda.

Sharma’arke ayaa xusay in kulankani uu ahaa kii ugu horreeyey ee xubnaha wasiirrada xukuumaddiisa uu la yeesho, isla markaana ay ku kala warqaadanayeen, loona dar-dargelin lahaa howlaha xukuumaddda horyaalla.

 

“Waxaa Alle mahaddii ah – inaan maanta yeelannay kulankeenii ugu horreeyey kadib markii shalay la ansixiyay lana dhaariyay golaha wasiirrada Somalia. Waxanan kaga hadalnay kulanka arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii ay wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaradahooda,” ayuu yiri Sharma’arke oo dhanka kale xusay in maalintiiba ay shan wasaaradood xilka la wareegi doonaan; si muddo toddobaad ah loosoo afmeero xil wareejinta.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa xusay in guddi uu madax u yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda, Maxamed Cumar Carte loo xil-saaray kala wareejinta xilalka, iyada oo ay wasaarad walba wareejin doonto wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba, si horey loogu sii dhaqaajiyo howlaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo ka kooban 66-xubood ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo hakad ku yimid intii khilaafku dhex yaallay Madaxweyne Hassan iyo ra’iisal wasaarihiisii shaqada laga eryey ee Abdiweli Sheikh, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dhismaha maamullada gobollada iyo in dalka la gaadhsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images