Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mareykanka: Ololaha looga soo horjeedo ISIS

$
0
0

Obama oo dagaalAwdalpresss – London – Madaxweyne Obama ayaa Congress-ka Maraykanka weydiistay inay awood u siiyaan olole milateri oo soconaya muddo saddex sano ah, kaas oo dhan ka ah  ama lagaga soo horjeedo dagaal yahannada Dowladda Islaamka.

Qorshaha waxaa ku jiri kara hawlgallo xagga dhulka ah oo xaddidan oo ay qaadayaan ciidammada Mareykanka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu awood sharci ah u leeyahay weerar lagu qaado Dowladda Islaamka, oo hadda gacanta ku haysa qaybo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya, laakinse uu doonayo taageerada cad ee aqalka Congress-ka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah uu raadiyo ogolaanshaha Congress-ka in awood milateri la adeegsado, tan iyo xilligii madaxweyne George W Bush ee 2002 intii aan la qaadin dagaalkii Ciraaq.

John Boehner, afhayeenka xisbiga jamhuuriga ee aqalka wakiillada, ayaa sheegay inuu walaac ka qabo hindisahaas.

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images