Awdalpress – London – Maraykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa sheegay inay xidhayaan safaaradihii ay ku lahaayeen magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Dalalkaasi ayaa sheegay in sababta ay u xidhayaan ay tahay xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in shaqaalihii safaaradda Maraykanka ee Sanca laga saaray magaalada.
Britain ayaa sidoo kale sheegtay in shaqaalihii ay la baxeen.
Dawladda Faransiiska ayaa iyaduna sheegtay in Jimcaha ay safaaradda xirayaan.
Saddexdan dal ayaa muwaadiiniinta haysta dhalashadooda kula taliyay inaanay u safrin Yemen, kuwa joogana waxa ay ugu baaqeen inay degdeg uga baxaan.
VOA





