Inta la ogyahay 18 qof ayaa ku dhintay 32 kalena way ku dhawacmeen dagaal ciidanka maamulka Puntland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaannada Dhagax-Dabuur iyo Madashoor.
Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Xasan Cismaan Alloore oo warbaahinta uga warbixiyay dagaalka ayaa sheegay in ay Al-Shabaab u geysteen khasaare igu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo xusay inay ka dileen 16 maleeshiyo ah, ayna ka dhaawaceen 26 kale.
Xasan Cismaan Alloore ayaa tilmaamay in labo askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, lix kalena ay uga dhaawacmeen.
Wuxuu sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen deegaannada lagu dagaallamay.
Al-Shabaab ayuu ku eedeeyay inay dileen dad rayid ahaa oo uu sheegay inay ka afduubteen deegaannadaas.
BKL





