Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawlada Hoose ee Boorama oo Diga Rogasho u Baahan !!!!!

$
0
0

 

faalloIntii mudo ah ama ku dhawaad sadex bilood waxa aanay shaqo wacan ka socon xarunta dawlada Hoose ee Borama iyo guud ahaan iyada oo ay dayacan tay adeegyadii ay qaban jirtey, arintaas ayaa wax dhibka ugu wacan iyo khalkhalka ku jira maamulka dawlada Hoose si looga helo xog cad waxa ay shabakada wararka ee Awdadlpress.com isku daydey in ay macaamiisheeda soo hor dhigto xogo cad cad oo ah waxyaabaha ragaadiyey maamulka dawlada hoose.

Hadii aan waxyar dib ugu laabano doorashooyinkii golaha deegaanka ee dabayaaqadii 2012kii qabsoomey waxaa aad u soo shaac baxay Qabyaaladii oo aan biyo is marin Xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaana bahashii wuu gardaayey oo socod barey ilaa ay gaadhey meel aan waxba laga qaban garin, markaa xildhibaanadii aqlabayda ahaa waxa ay hal mar ka xuub siibteen ururadii iyo xisbayadii ay ku soo baxeen waxa ayna isku dhaarsadeen in ay nin beeshooda ah oo marka hore tartan baa la ogolaa laakin aakhirkii waxa ay ku biyo shubatey Saleebaan Xasan Xaddi iyo Maxamed Muxamed Dheereyste in aan meeshaas lagula tartamin waxaana ololaha qayb laxaadleh ka qaatey Saleebaan Saaxiibadii Idiris iyo Siyaad waanay ku guuleysteen.

Isla markiiba waxaa aqlabayadii ka dhax bilaabmey is eedeyn iyo  is xulufeysi kala duwan kaasi oo inta badan masaalix gaar ah salka ku hayey waxaanay rag badan durba bilaabeen in wadada uu gudoomiyuhu ku socdaa aanay ahayn midii la rabey, waxaana bilaabmey iyada oo aan xil wareejintoodii laga soo wareegin dhawr bilood is ashkateyn iyo kala shaki badan kaasi oo marar badan cuqaal iyo odayaal gaadhi jirey.

Waxaa maalinba maalinka ka danbeeya soo badanaayey mucaaradka gudoomiyaha golaha deegaanka ilaa uu aakhirkii ku soo hadheen shan xildhibaan oo qaarna markii danbe ka huleeleen, waxaana la odhan karaa hadii aanay wasaarada arimaha gudaha oo marar badan xildhibaanada ka codsatey in ay xil ka xayuubinta ay dib u dhgaan inaanay mar hore arintaasi dhicilahayd, waxaa kale oo cimrigiisa sii dheereeyey gudoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Axmed oo ahaa nin aan go’aan adagna lahayn inta badan caasimada gobolkaba aan joogin lana odhan karaayey gobolku waxa uu ahaa mid bilaa gudoomiye ah mudadaas.

Marar badan gudoomiye Saleebaan waxa uu ahaa nin ka firfircoon oo yaqaana meelaha looga soo dhici karo si kasta oo ay mucaaradkiisu u bataan waxa uu ku guuleystey  in uu meer meeriyo oo marba meel ka tuuro ilaa ay gaadhey wasiiro aan shaqaba ku lahayn hawlaha dawlada hoose in ay ka hadlaan una hanjabaan xildhibaanada taasina aakhirkii waxa ay keentey markii uu Cabdoo Axmed ka tagey xilkiisii ama laga qaatey in meel weyni ku banaanato oo uu awdi kari waayo.

Waxaana culeyskii dhibka iyo rafaadka ka jirey dawlada Hoose ee Boorama galey Xarunta madaxtooyada gaar ahaana waxa y arintaasi dhacdey markii ay is khilaafeen xoghayaha dawlada Hoose Xasan Yuusuf Riiraash iyo Gudoomiyaha golaha deegaanka Saleebaan Xasan xaddi oo markii uu joojiyey xogahayaha saxiixiisa isagana la joojiyey kiisii taasiana ay ka dhigtey dawladii hoose mid jilbaha dhulka ku dhufata  oo is dhiibta noqotana qolal iyo xafiisyo haawana oo kaliya oo aanay ka socon wax shaqo ah.

Waxaa ilo xogta u dhaw sheegeen in golaha wasiirada laftoodu arintan ku kala qaybsameen oo wasiirka arimaha Gudaha, kan Boosatada iyo Isgaadhsiinta iyo kuwo kale la safteen in mudane Saleeban uu yahay kursigiisaas lama taabtaan,halka wasiirka Duulist, madaxweyne ku xigeenka iyo rag kalena lahaayeen waa in sadex ninba shaqdooda laga qaado xoghaya dawlada Hoose gudoomiyaha golaha deegaanka iyo gudoomiyaha gobolka Awdal intaba waxaana hada muuqatada koxdan danbe in ay fac fa croon yihiin.

Waxaa la soo magacaabey ama lala xidhiidhey si loogu magacaabo xoghayaha dawlada Hoose mudane Muumin Xuseen oo ah nin aqoon yahan ah hay’adaha caalamiga ahana in badan la shaqeeyey oo hadanan lafteeda DRC hay’ada la yidhaahdo ka shaqeeya waxase wararka ugu danbeeyey sheegayaan in u ka cudur daartey oo aanu qabanayn jagadaas, waxaa iyaduna dhab ah in gudoomiyihii gobolka Awdal la badaley laguna badaley gudoomiye cusub oo la yidhaahdo Maxamuud Cali saleebaan (Ramaax) kaasi oo aan wali si fiican salka ula helin kursiga gobolka ee uu ku magacaaban yahay.

Wararka laga soo dhiteeyey ilo looga qaateen ah wax ay sheegayaan in todobaadka danbe ay golaha deegaanku kulmi doonaan isla markaana ay xil ka qaadis ku sameyn doonaan Saleebaan Xasan Xaddi iyo ku xigeenkiisa ka dibna cod aqlabiyad ah waxaa lagu dooran doono Maxamed Maydhane oo deegaanka Qulujeed ka soo Jeeda kaasi oo hada ah musharaxa ugu cad cad waana laga yaaba in ay isbadal ku dhici doono, halka uu jagada ku xigeenkana ay isku hayaan Xildhibaan Xayte iyo Indha qarshe kuwaas oo deegaanka Dilla ka Soo jeeda, laakiin shaxdaasi waa is badali kartaa mar walba marka laga eego sida ay mararka qaar wax u dhacayaan.

Dawlada Hoose ee Boorama waxa ay mareysaa marxalad u baahan in la saxo oo ninka xilka golaha hayaa mar kasta waa in u iska ilaaliyaa in uu ku dhax milmo siyaasada dawlada dhexe waana in ay ku koobnaato adeega ay u qabato shacabka ku dhaqan degmada  oo kaliya wixii intaas dheerna ay faraha kala baxaan.

Dhibaatooyinka ay maamulkani ka tagi doonaan waxaa ka mid ah in maanta meel badan oo magaalada Boorama ah aan la kala gareyn ma wadaa ma jagaa mise waa meel dan guud ah wallow aanay jirinba meel dan guud loogu talo galay oo ay leedahay dawlada Hoose garan maayo in ay ala qabaan dawladaha Hoose ee deegaanada kale laakiin dhib kaasi wa mid ka jira Boorama.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images