Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kacdoonka Galbeedka Somaliland: Faalo ……. ( Abdirahman Amin (Atom ) UK

$
0
0

article“Dadka guusha gaadhaa waxay ka fikiraan waxay doonayaan iyo siday u heli lahaayeen. Halka dadka guuldaystaa aanay uga hadal waxa ay doonayaan ee ay uga hadlaan dhibta haysata ugana werweraan iyaga oo cid ku eedaynaya.”

Kacdoonka  intii muddo ahba ka socda gobollada galbeedka ama  degaanadda Gobolka Awdal. Ayaa dad badani is weydiinayaan waxa  jira  ee laga kacay,  Halka laga hagayo, sida ay wax u jiraan? Cidda wax ka  qaban karta, sideyse wax uga qaban karaan?

Waxaynu ognahay waxyaabo fara badan oo dadka ka soo jeeda  goboladda galkeedku tirsanayaan gudo iyo dibadba,  kuwaasi oo  ay hore uga hadleen in badan, iyaga oo ku soona bandhigay qoraal. Dad badan oo hadda xukuumadda ku jiraana in badan ka soo hadlayeen oo ay markaa arkayeen xaqiiqda jirta hadase aanay ka hadal, waxa kaloo Xukuumadda u gudbiyay salaadiinta reer awdal oo dhamaystiran iyada oo qoraal ah

Xaaladuhu halka ay marayaanna waa meel Ilaahay uuni og yahay, waana jaha wareer iyo odayadii oo talo raadin uun ku maqan. Waxan  xasuustaa mar uu Suldaan Saleebaan la hadlayey oday dhaqameedyada Awdal oo Suldaan Wabar ay qaar ku qacan saareen, uu yidhi, ‘  Waxa jira  innagaa abuurnay ee Suldaan Wabar ma abuurin oo waynagii ku dhawaaqnay hadii aan arintaa wax laga qaban waan baxaynaa.

Shaqsiyaad badan baa  ama waxka  ka qoray ama ka hadlay. Anigu shaqsi ahaan maalintii ugu horaysay ee xukuumadda Axmed siilaanyo soo magacawday goleheeddii wasiirdaa 2010kii ayaa waxan ka qoray maqaal aan ugu magac daray “Cabdoo Khalad Al-xisaab”,  waxanan kaga hadlay in xukuumaddu aanay tix galin goboladii cidhifyada ee ay ku koobtay uun beesha dhexe waxwalba, arintaasina keeni doonto in gobolada cidhifyadu kacaan oo arintu waji kale yeelan doonto.

Arimahani waa saami qaybsiga oo saluug ka jiro iyo sadbursiimo iyo caddaalad darro cad  oo dadku ay arkayaan taas oo soo gaadhsiisay dadka qaar in ay yidhaahdaan waan ka go’nay Somaliland una baahan in wax laga qabto.

Waxa jirta in dad badan oo qurbo jog ahi arintan dibada ka wadaan oo ay ururiyaan dhaqaale badan, abaabul iyo kicinna ka wadaan dibadda, dad badan oo gudaha joogana xidhiidh la leeyihiin, dhalinyarta wadanka joogtaana badankoodu aad u taageersanyihiin.

Waxa iyaduna jirta oo muuqata in isbedel siyaasadeed oo ka jira dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliwayn, oo ay dhisantay dawlad aad uga fiican xaga saamiqaybsiga tan Soomalilnad, oo ay ka dhex muuqdaan dhammaan beelihii Soomaaliyeed, taasina ay saamayn wayn ku yeelanayso dadka ku dhaqan Somaliland.

 

Hadaba Salaadiinta, Culimada, Aqoonyahanka ganacsatada iyo dadka ka hadlaya arimahani ee Gobolada galbeedku, ma ka dhabaa waxa ay ka hadlayaan oo waxay rabaan in ay arimahaa wax ka qabtaan mise waa iska hadal siyaasadeed oo ay uga jeedaan waan idhi oo waan hadlay.

Kadib markaan dhagaystay kulankii ay soo qabanqaabiyeen dhalinyaradu ee lagaga hadlayay nabadda, todobaadkan. waxan aad iyo aad ugu bogay kuna hambalyaynayaa Sheekh Cabdillaahi Sh Cali Jawhar Iyo Aqoonyahan Ismaaciil aadan meecaad, oo labaduba taabtay xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

Horta waxan leehay Sh Cabdillaahi Sh cali Jawhar aniga oo kuu haya xushmad iyo qadarin dheeraad ah. Waad ku mahadsantahay sida daacadnimada ah ee aad uga hadashay ee aad u bayaamisay in aanay waxa hada la wadaa ku filayn in wax laga qabto arimaha taagan ee loo baahan yahay in si qoto dheer loo dhex galo arinta. Waxa kale oo aad bayaamisay in shirkii gob aan xataa aad loogaga hadal arintan.

Waxan leehay Isagana, Ismaaciil Aadan Meecaad oo ah aqoonyahan dhalinyar ah oo degan UK. Aadbaad ugu mahadsantahay sida aad uga warantay qurbo jooga iyo hawlaha ay wadaan.

Marka aad doonayso in aad arin wax ka qabato, marka hore waa in aad qirtaa in waxani jiraan, kadibna xalkeeda aad raadisaa. Xalka markaad raadinayso waa in aad isku keentaa afkaar iyo aragtiyo kala duwan, ka dibna aad isku keentaa oo ad ka qaadataa mida ugu haboon adiga oo ka eegaya dhan walba.

Hadaba xaqiiqda aan u soo noqdo, dadku maaha xoolo dhalinyarta iyo dadka lala hadlayaana wax way fahmayaan, nin dagaal jecelina ma jiro dadku waxay jecelyihiin in ay nabad ku wada noolaadaan oo horumar iyo in wax u kordhaan, qofwaliba wuu jecelyahay.  Laakiin hadii maalinba si loo hadlo oo maalinna dadkaa la kiciyo oo durbaan la garaaco maalinna la yidhaa wax ma jiraan, wax haggaagi maayaan.

Waxaynu filaynay in arimaha hadda laga hadlayo marka horeba lagu soo dhamays tiro shirkii gadabuursi ee a dhacay Gob. Wixii halkaa lagu dhamayn waayana gudiyo loo saaro, oo gudiyadaasi daba galaan arinta ama ha ahaato nabad galyada ama ha ahaato tabashada.

Waxanse hadda u arkaa in aan shirkaasi lagaga hadal wax arimahaasi khuseeya hadii laga hadlayna aan looga hadal si qoto dheer ee shirku uu u badnaa (formality) ama shirbaa qabsoomay uun la yidhaa waayo waxad ka garataa sida arimuhu u qaydhiin yihiin.Waxa ila yaab noqotay in dadkii kasoo baxay shirkii balaadhnaa ee gadabuuri maanta ku tiraabayaan ama tabayaan in loo baahanyahay shirar lagaga hadlo nabadda.

Waxa haboon in hadii laga tashanayo arinta gobolka, aanay ka qayb galin cid reer Awdal ah oo ka tirsan xukuumadda hada jirta. Waayo iyagu waxay ka mid yihiin xukuumaddii laga cabanayay, mar walbana waxay difaacanayaan shaqadooda oo xataa hadii ay arkaan dhaliisha waxay isku dayaan in ay waxka qabtaan, haday wax ka qaban kari waayaanna way dafirayaan si ay isku difaancaan.

Waa in aan lagu degdegin, waayo,hadhaw waxba ka soo bixi maayaan. Murti baa tidhi “hadii aad geed jarayso waa in aad qaadataa wakhti aad gudinta ku soofaysato, laakiin hadii aad tidhaa wakhtigaa igu yar oo ma soofaynayo gudinta, dee hadhaw wuxu wakhti badani kaaga lumi jarista geedka, ilayn ma haysatid gudin aflee”.

Waxan ku talin lahaa in arintana sideeda u wajaho oo la iska daayo siyaasadda laba wajiilaha ah ee marna la leeyahay waxbaa naga maqan marna la leeyaya waanu ku qanacsanahay nidaamka jira ee Soomaliland dhammaantiis. Waayo hadaad sallaam ku tiiriso gidaar qaldan, talaabo kasta oo aad qaado waxad kaga fogaanaysaa meeshii aad u socotay. Waxan leehay arintu yaanay noqon raali galin cid kale ee hanoqoto talo dhab ah oo hadhaw lagu qanco.Haddii hadda arintan sideedda loo wajihi waayo, nabadda la sheegayaa way burburi wixii lagu soo tabcayay ee ay ay shacabku qabsadeen waa laga tagi.

Xukuumadda  waxaan leehay hadii aad ku qanacsantahay sida aad u wajahaysaan arimaha, waa in aad ku qanacdaan dadka kale ee idinka soo horjeedaa sida ay iyaguna u wajahayaan xaallada jirta, hadii kale waa in uu yimaadaa isku tanaasul iyo xal dhexdhexaad ah.

Abdirahman A Amin ( Atom )

UK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images