Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib safar caafimaad oo uu maalmihii u dambeeyey ugu maqnaa dalka Jarmalka.
Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in uu Jarmalka u tagay baaritaan caafimaad iyo howlo khuseeya arrimaha dowladda.
Wareysi madaxweynuhu bixiyey intii uu ku sugnaa Jarmalka ayuu ku sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay, hase yeeshee sababta uu halkaas u tagay ay tahay in uu baaritaan guud oo caafimaad uu maro maadaamaa muddo uusan dhakhtarka tagin.





