Awdalpress – Borama – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Abdirahman Aw Cali ayaa maanta booqasho ku tagay magaalo madaxda gobolka awdal ee Boorama, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Soo dhaweyntii kadibna waxa ay si toos ah ugu booqdeen Ugaaska Gadabuursi Ugaas Abdirashid Dooddi
Safarka labadan mas’uul oo aan horay loo shaacin ayaa ujeeddada ka dambaysaa ay tahay adkaynta midnimada beelaha Gadabuursi, oo sannaddo horteed uu tafaraaruq badani ku jiray, laakiin dadaal badan kadib la soo af jaray, immaga la go’aansaday in si midaysan loo wajaho talada iyo baahida bulshada.
Ugaaska Gadabuursi oo midnimada Gadabuursiga calaamad u ah ayaa waxa maalin walba qaabilaa waxgarad iyo mas’uuliyiin dalka iyo dabaddaba uga yimaadda. Maanta oo ugu dambayseyna waxa qasriga uu Borama ka deggen yahay uu ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Zaylici iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Awdalpress.com