Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiyay wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha hay’adda beeraha iyo cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ee Soomaaliya Richard Trenchard .
Labada masuul ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee hay’adda FAO ay ka fuliso deegannada Puntaland, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya Puntland iyo FAO, tallaalka xoolaha iyo horumarinta beeraha iyo kalluumaysiga Puntland.
Gaas ayaa ka dalbaday inay dib u eegis ku sameyso qorshihii hay’adda ee sanadkii tagey 2014 –kii.
Wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga Puntland, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo saraakil ka tirsan madaxtooyada ayaa Gaas ku wehliyay kulanka.
Masuuliyiinta FAO ayaa soo bandhigay qorshahooda horumarineed ee sanadkan 2015 ay ka fulinayaan guud ahaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonto hay’adda taageerada ay siiso Puntland ee dhinacyada xoolaha, beeraha iyo kobcinta kaluumeysiga iyo deegaanka.





