Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mareykanka oo danjire u magacaabay Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Katherine Simonds Dhanani u magacaabay danjiraha Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya,24 sano kaddib, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Talaadadii kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Obama ayaa sheegay in ilaa inta ay ka hagaagayso xaaladda ammaan ee Soomaaliya isla markaana dib looga furayo safaaraddii Mareykanka ee Muqdisho, in safiirkoodu ay ku sii sugnaan doonto dalka Kenya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in magacaabista safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ay tahay calaamad muujinaysa sida dowladda Mareykanka ay uga go’an tahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya, si loo muujiyo horumarka dadka Soomaalida ee muddada badan ku soo jiray dagaallada.

Katherine Dhanani, ayaa haatan ah agaasimaha Mareykanka ee arrimaha gobolka iyo ammaanka ee xafiiska Afrika, waxayna xilkaas oo kale ka soo qabatay dalalka Hindiya, Mexico, iyo Guyana. Sidoo kale waxay ka soo shaqeysay dalalka Zimbabwe, Gabon, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images