Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Amniga Soomaaliya OO Sheegay in Weerarkii Hotel Central laga Soo Abaabulay Gudaha hoteelka

$
0
0

Wasiirrada-RW-Cumar-300x200Wasiirka amniga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta sheegay in natiijo hordhac oo ku aaddan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 20-kii bishan lagu qaaday Central Hotel  ee magaalada Muqdisho ay dowladda ku ogaatay in weerarka laga soo abaabulay gudaha hoteelka.

Wuxuu tilmaamay inay socdaan baaritaanno dheeri oo ku saabsan weerarka.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulanka caadiga ee golaha wasiirrada oo maanta Muqdisho ka dhacay, kaasoo uu shir guddoominayay raysul wasaare Cumar Cabdirashiid,  sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysul wasaaraha..

Weerarka waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ku jireen labo xildhibaan iyo ku-xigeenkii duqa magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay raysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka amniga ayaa tilmaamay in dowladda ay billowday siyaasad cusub oo ku saabsan sugidda amniga, kaasoo saameyn doona hoteellada iyo goobaha kale ee ganacsiga.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka nabad-sugidda ay baaritaan buuxa ku sameyn doonaan cid kasta oo looga shakiyo argagixiso, sidoo kale waxay baari doonaan dadka wata gawaarida hubeysan.

BKL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images