Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muqdisho: Xarunta Madaxtooyada Oo la Duqeeyay

$
0
0

Madaxtooyada SomaliaAwdalpress – Muqdisho  – Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay maanta oo Khmaiis ah duqaysay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Af-hayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay madaxtooyada la beegsadeen tiro madaafiic ah, intooda badanina ay ku dhaceen gudaheeda.

Dhinaca kale, Af-hayeenka wasaaradda amniga qaranka ee Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cusmaan oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyay duqaynta.

Maxamed Yuusuf ayaa intaas ku daray in weerarka uu ku dhintay mid ka mid ahaa ilaalada xarunta.

Goob joogayaal ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in ilaa shan madfac ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada, ayna bur-bur u geysteen gaadiid iyo dhismeyaasha xarunta qaarkood.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images