Iyada oo labadii bilood ee ugu dambeeyey ay si gaabis ah uga socoto diiwaan galinta madaniga magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa qaar ka mid ah ardaydii imtixaanka u gashay diiwaan galinta madaniga ay Shabakada Awdalpress u xaqiijiyeen in sanduuqyo la soo kordhiyey shaqaalahoodii suuqa madow lagu kala qaybsaday waxaanay farta ku fiiqeen gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal ,xoghaya Gobolka Awdal iyo Duqa degmada Boorama oo ay sheegeen in ay shakhsiyaad kaasi kala qaybsadeen shaqaalihii loo qoondeeyey in ay ka shaqeeyaan diiwaan galinta madaniga ah ee ka socota magaalada Boorama.
Si kastaba ahaatee shaqaalahani la Musuqmaasuqay ayaa ku soo beegmaya xili Magaalada Boorama ay ka jirto shaqo la’aan Xoogan oo meeshii shaqo laga soo xayeysiiyaba ay dalbadaan in ka badan 100 oo dhalinyaro .
Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Boorama ayaan Xili iska saarin waxaanay qaarkood shaqaalaysiiseen qaraabadooda iyo shakhsiyaad ay isku dhaw yihiin .
Talaabadani ayaa dib u dhac iyo xajiin ku noqonaysa Masuuliyiinta Gobolka Awdal Waxaana laga dhul sugayaa sida uu wax uga qabto Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal Saleebaan Ramaax .
Isku soo wada duuboo dhalinyaradii imitixaanka gashay ayaa laga war sugayaa in ay maalmaha soo socda warbaahinta la hadlaan ama ay la kulmaan Gudoomiyaha Gobolka Awdal .
Awdalpress Desktop.





