Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jihadi John oo la Aqoonsaday

$
0
0

daacishWarar kala duwan ayaa sheegaya in la aqoonsaday ninkii wejiga daboolnaa ee lagu arki jiray muuqaallada ay soo diraan ururka Daacish, waxaana ninkan daboolani caan ku ahaa inuu soo muuqdo xilliyada goorta laga goynayo la haystayaasha gacanta ugu jira ururka Daacish.

Ninkaasi  oo loogu magac daray Jihadi John ayaa warar laga soo xigtay saaxiibadiis maanta oo khamiis ahi sheegayaan in  magaciisa rasmiga ahi yahay Mohamed  Emwas.

Wariyaha  VOA ee Rome ayaa  sheegay in sirdoonka  Yurub ay diiden in ay xaqiijiyaan in Emwazi uu yahay  Jihadi John ayna sheegeen in sheekadu ay intaasi ka sii  durugsan tahay.

Saraakiisha  amniga ee Mareykanka  ayaan weli ka  faalloon wararka ku saabsan ninkaasi  xiran dharka madow ee wejigu u daboolan yahay.

Emwazi ayaa la sheegay  in uu  yahay nin   reer London ah oo dabaqada dhexe ah oo u dhashay  Kuweit isla markaana wadaad ah. ninkan ayaa la sheegay inay hore  u daneeynayeen saraakiisha amniga ee  Britain, inkastoo aaney weli  xaqiijin.

Saaxibadii iyo dad yaqaana  ayaa sheegay in ay  rumeeysan yihiin in Emawazi   xagjir laga  dhigay sanooyinkii la soo dhaafay kadib markii  uu  u safray Afrika iyo bariga  dhexe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images