Awdalpress – London – Mudane Ahmednuur Qalinle oo immiga ku sugan dalka Ingiriiska, laakiin dhawaan ka soo noqday Somaliland ayaa waxa lagu waraystay barnaamijka Dhibbanayaasha Boqran ee ka baxa Adal TV, waxana waraystay Suxufi Abroone.
Siyaasigan ayaa ka warramay xaqiiqada ka jirta gobollada Galbeedka oo inta badan tirsada caddaalad darro iyo in aan loo sinnayn saamiga maamul ee Somaliland. Waxana uu dhalliilay hab dhaqanka odayada iyo siyaasiyiinta gobollada galbeedka ka soo jeedda, oo uu dusha u saaray tabashada iyo cabashada muddaba ka soo yeedhaysa gobolladaasi galbeedka Somaliland. Oo aanay sideedii u wajihin. Taasina ay dhalisay in aanay xukuumadda Siilaanyo dhag jalaq u siin.
Halkan nagala dhegeysta waraysigan iyo ra’yiga dadweynaha Borama oo ku lifaaqan waraysigan.
Awdalpress





