Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wakiilka hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Alessandra Morelli.
Waxay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin dowrka ay UNHCR ka qaadan karto arrimha qaxootiga Soomaaliya ee ku nool dalalka Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Yemen.
Cabdsalaan Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay dalka ugu soo celin laheyd nabadda iyo deggenaanshaha.
Alessandra Morelli ayaa sheegtay in ay kordhinayaan kaalmooyinka samafal ee ay siiyaan qaxootiga Soomaalida ah, si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka ay ku nool yihiin