Hay’adda German Agro Action (GAA) ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ku soo bandhigtay mashaariic horumarin oo ay doonayso in sanadkan 2015-ka ay ka fuliso gobolkaas.
Degmooyinka ay hay’addu qorshaynayso in ay ka fuliso mashaariicda waxaa ku jirta degmada Baki.
Guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Baki, Maxamed Axmed Caateeye, oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in ay hay’addu wax ka qaban doonto mashaariicda wax soo saarka beeraha, biyo gelin iyo ka hor tagga xaalufinta deegaanka.
Hay’adda GAA waxay ka mid tahay hay’ado dhowr ah oo mashaariic kala duwan ka fuliya deegaanno hoos taga maamulka Somaliland.
RBK.