Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Danjire Kay oo gaaray Kismaayo

$
0
0

KAY-300x199Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wariyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo warramaya in Kay uu ka qeyb galayo munaasabad lagu daah-furayo soo xulista baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Wuxuu sheegay in sidoo kale Nicholas Kay uu wadatashi la yeelan doono masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba, taliska ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM iyo wakiillada Qarammada Midoobay u jooga magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday wadatashiyo la xiriira soo xulista xubnaha kamid noqon doono baarlamanka maamulka.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images