Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa lagu qabtay xaflado loogu dabbaaldagay maalinta haweenka adduunka oo 8-da Maarso la xuso sanad kasta.
Xaflad lagu qabtay xarunta gaadiidka booliska ee degmada Cabdulcasiis waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, taliyayaal ciidan, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir, fannaaniin, ururro haween iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu xushmad ballaaran u hayo doorka haweenka Soomaalida.
Wuxuu ku ammaanay haweenka karti iyo geesinnimo muddadii lagu jiray dagaalka sokeeye, isla markaana ay ku guulaysteen abuurista rajo iyo rabitaankooda ku aaddan nabad iyo kala dambayn dalka lagu so dabbaalo.
“Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale laga xusay maalinta haweenka, waxaana xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo ka qeyb-galay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa ammaanay doorka ay haweenka ka qaateen nabadda, isdhexgalka bulshada iyo dib u xorraynta deegaannada horey ugu jiray gacanta kooxda Al-Shabaab.
Howlkarnimo, waddaniyad iyo nabad-jacayl ayuu sheegay inay ku sifaysan yihiin haweenka Soomaalida.





