Awdalpress(Muqdisho) 10 march 2015– Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay 11 qof oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxii dhawaan ka dhacay hotelka lagu magacaabo SYL ee ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.
Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Abuukar, xubinna ka ah guddi u xilsaaraan baaritaanka qaraxa oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in tuhmane-yaasha lagu hayo xabsiga dhexe ee Muqdisho, baaritaan kaddibna loo gudbin doono maxkamadda.
Axmed Cali abuukar ayaa xusay in dadka la hayo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.
Qarax ay ku dhinteen dhowr qof oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ayaa 22-kii Jannaayo ee sannadkan ka dhacay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
RBK




