Awdalpress(Hargaysa) 10 March 2015– Xisaabiyihii hore ee dawlada Somaliland Ibraahim Aaden Qaalib ayaa ku dhaawacmay maanta shil baabuur, ka dib markii Isaga oo maraya Maqaaxida-Inanta oo wata gaadhi landcruiser ah oo uu leeyahay ay duqaysay Iskarogo nooca shaambooga loo yaqaan.
Xisaabiye ibraahim Aaden ayaa wakhtiga shilka uu la kulmay waxa uu u socday dhanka Hargaysa, mar aan khadka telefoonka kula xidhiidhay Isaga oo ku jira Cusbataalka Hargaysa ayaa waxa uu Ibraahim u sheegay Awdalpress in uu ka jabay laba meelood oo ah Garabka iyo Jilibka, wuxuu intaas raaciyay in gaadhigiisii uu burburay, isla markaana uu hada ku jiro isagu cusbataalka Talyaaniga ee Hargaysa…
Wadada u dhaxaysa Gabilay iyo Hargaysa ayaa waxay noqotay wado Burbursan oo Godad faro badan leh, burburka wadadaasi ayaa keenta inta badan shilalka gaadiidka wadadaasi maraya, Jidkaasi u dhexeeya Kalabaydhka ilaa Hargaysa waa jidka ugu shilalka badan Wadooyinka Somaliland , mana aha wado dayactir lagu sameeyo, isla markaa jidkani waa jidka keli ah ee ugu badan Maritsa gaadiidka ee iskaga goosha Hargaysa ilaa Awdal iyo Ethoipa, inta badana jidkaasi waa mid ay ilawday wax ka qabashadiisa amase dayactir kiisa dawlada Somaliland, madaxda Somaliland ayaa iyagu isku Amaana inay yihiin dawladii horumarka iyo waxqabadka, balse waxay amaan taasi beenawdaa marka la arko ama qofku maro Jidka u dhexeeya Dilla ilaa Hargaysa oo ah Jid ay dhistay Dawladii Siyaad Bare, Jidkaasi waa mid noqday Haad keli ah oo hareeraha ka soo dhamaaday, oo badhtamaha ku yeeshay Godad.
Si kastaba ha ahaatee waxa la iswaydiinayaa sababta masuuliyiinta Somaliland u dareemi la’a yihiin dhimashada iyo dhaawaca shacabka ee maalin walba jidkaas laga keeno, dhanka kala waxa isweydiin leh waxa shacabku uga aamusan yahay dhibaha jidkani ee ay dawlada ugu baraarujin la’a yihiin ..
awdalpress






