Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha oo aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Norway ee Soomaaliya

$
0
0

Xasan-iyo-danjiraha-Norway-300x200Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Norway u fadhiyi doona Soomaliya, Victor Conrad Rambac.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Norway, sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali.

Danjiraha Norway ee Soomaaliya ayaa isaguna sheegay inuu ka shaqayn doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo shucuubtooda, wuxuuna ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha cusub u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada xilka loo magacaabay.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles