Maamulka Somaliland ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in dhex dhexaadin rasmi ah laga galo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo VOA la hadlay ayaa sheegay in go’aankaasi ay qaateen markii ay garowsadeen in Soomaaliya iyo Soomaliland oo is hor fariistaa aaney waxba soo kordhin karin, sida uu hadalka u dhigay.
Mr. Biixi ayaa sheegay in wafdi uu hogaamiynayay oo ka koobnaa shan wasiir oo ka tirsan xukumadda Somaliland ay dhawaan tageen magaalada Nairobi, halkaa oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta matashada beesha caalamka ee fadhigooduyahay magaalada Nairobi.
Waxa uuna mar kale ku celiyay in marnaba aysan ogolaan doonin Soomaaliya iyo Somaliland oo wada fariista kaligood mar dambe. Waxaa kaloo uu intaasi ku daray in sidoo kale aysan ogolaan doonin marnaba in wadahadal kasta oo mustaqbalka dhacaya ay qeyb ka noqdaan dad ka soo jeeda deegaanada ay Soomaliland maamusho.
Bilowgii bishan ayaa waxaa qabsoomi waayay wareeg kale oo wadahadallo lagu waday in Soomaliya iyo Somaliland ku yeeshaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, markii labada dhinac ay diideen in wax tanaasul ah ay sameeyaan.
Somaliland, ayaa ka biya diiday inay shirka fariisato, iyadoo shuruud uga dhigtay in wada hadalada laga saaro xubno deegaan ahaan ka soo jeedo Somaliland oo ka mid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya wada hadalka ay u dirtay.