Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Shaqaale Ajaanib ah ayaa ku naf-waayay Weerarkii Xarunta UNDP ee Muqdisho”

$
0
0
Arbaco, Juun 19, 2013 — Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in weerarkii maanta lagu qaaday xarunta UNDP ay ku dhinteen 15-qof oo ay afar ka mid ahaayeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee ka howlaglayay xarunta UNDP.

 

Wasiirka ayaa sheegay in toddoba ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, afarta kalena ay ahaayeen ilaaladii xaruntaas, iyado ajaanibta ku dhimatay weerarka la sheegay in saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Koonfur Afrika, mid kalena uu ahaa Kenyan.

“Dadka ku dhintay weerarka waxay tiradoodu ahayd 15-qof, afar ka mid ah waxay ahaayeen ilaaladii xarunta, afar kalena shaqaalihii ajnabiga ahaa ee goobtaas ku sugnaa, toddobada soo hartayna waxay ahaayeen kooxihii Al-shabaab weerarka ka dambeeyay,” ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay afaafka hore ee xarunta UNDP oo uu maanta weerarku ka dhacay.

Ma soo hadal qaadin wasiirku dadkii shacabka ahaa ee afaafka hore ee xarunta ku dhintay, isagoo warbixintiisa ku ekeeyay shaqaalihii xarunta ee dhintay, ilaaladii iyo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

“Waxaan mahad u celinayaa ciidamadii dowladda ee ku guuleystay inay ugu galaan gudaha xarunta kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday kana sifeeyay, taasoo ah guul u soo hoyatay dowladda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shaqaalaha ajnabiga ah ee goobta ku dhintay ayuu ku sheegay wasiirku inay ahaayeen kuwo qaabilsanaa dhinaca ammaanka xarunta hay’adda UNPD oo ah goob ay deggen yihiin hay’daha Qaramada ee ka howlgala Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa weerarka ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay shan qof, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana sidoo kale ku dhintay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo aanu wasiirku soo hadal-qaadin.

Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ay ku leedahay Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid aad u abaabulan, iyadoo sarkaal u hadlay booliiska uu sheegay in mid ka mid ah kooxihii fuliyay weerarkaas la qabtay.

Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarka sheegatay ayaa horay u sheegtay in shaqaale Ajnabi ah ay ku dileen weerarkii ay xaruntaas ku qaadeen, balse ma aysan sheegin tirada shaqaalahaas ay dileen.

HOL

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles