Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Baarlamaanka Jarmalka oo ansixiyay howlgalkooda milateri ee Soomaaliya

$
0
0

Baarlamaanka Jarmalka ayaa cod u qaaday ballaarinta howlgalka milateri ee dalkaas uu ka wado Soomaaliya, wuxuuna meel mariyay in la sii wado lana ballaariyo ku lug lahaanshiyaha howlgalkaas.

Mudaneyaal ay tiradooda gaarayso 454 oo ka tirsan 578 xildhibaan oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka dalkaas ayaa oggolaaday in howlgalka la sii wado, iyadoo 115 ka tirsan xubnahaas ay diideen codaynta, halka sagaal kalena ay ka amuuseen.

Go’aanka ayaa qayb ka ah tallaabo horay uu u qaaday ururka Midowga Yurub oo ku aaddanayd in waqti dheeraad ah lagu daro howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya si ay ciidamada Soomaaliya tababatro milateri u siiyaan.

Ku dhawaad 20 sarkaal oo loogu talagalay inay tababarro siiyaan milateriga Soomaaliya ayna la taliyaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayay dowladda Jarmalka u qoondaysay inay ka qayb qaataan howlgalka Soomaaliya.

Milateriga Jarmalka ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadkii 2010-kii inkastoo ay jiraan in tiro ciidamada militeriga Jarmalka ka tirsan loo daad gureeyay Soomaaliya, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in joogitaanka ciidamada Jarmalka ee Soomaaliya ay qayb ka tahay xoojinta istaraatiijiyada dhaqaalaha iyo danaha militeri ee Jarmalka uu ka leeyahay Afrika.

Jarmalka ayaa waxay ciidamo badan ka joogaan dalalka Soomaaliya, Senegal, Maali, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Suudaan iyo Koonfur-Suudaan.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles