
Sanadkii 1977-kii ayuu u wareegaydalka Jabuuti oo walaalihii iyo ehel kale oo badaniba ay degan yihiin. Waabaryihii uu dalkaasi xorriyada ka qaatay isticmaarkii Faransiiska isla markaanala diyaarinayay aqoonyahanadii tacliinta dalka hoggaanka u qaban lahaa. Sidaasidarteed ayay dawladda Jabuuti deeq waxbarasho ugu dirtay Xildhibaan/BareMaxamed Barkhad Miigane Jaamacadda Maraykanka ee Bayruut, Lubnaan (AmericanUniversity of Beirut, Lebanon) si uu ugu soo qaato waxbarasho sare.
Markii uu ka soo laabtay Lubnaan,dalka ayuu dib ugu soo noqday, waxana uu bilaabay ganacsi gaar ah oo uu inmuddo ah ku soo jiray. Sanadkii 1986-kii ayay koox aqoonyahano ah oo uu marxuumkuhormood u ahaa aasaaseen Ururka Samafalka ee GUUS, kaasi oo ka mid noqdaydhawrkii urur samafal ee ugu horeeyey ee laga yagleelo guud ahaan carrigaSoomaalida. Hay’adda GUUS waxa ay gacanka geysatay dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, mashaariic waaweyn oodhaxal-gal ahna way ka hirgalisay degmooyinka Gobolka Awdal.
Dhinaca siyaasadda, ka dibburburkii dawladdii Soomaaliya, waxa uu marxuumku gacan weyn ka geystaydib-u-heshiisiintii beelaha iyo adkaynta nabadgelyada. Waxa uu ka mid noqdayxildhibaanadii u horeeyey ee Golaha Wakiilada ee lagu soo xulay shirkii Booramasanadkii 1993-kii. Sanadkii 2005 ayaa dib loogu soo doortay kursiga GolahaWakiiladda ee uu hadda ka geeriyooday, isaga oo ka soo baxay xisbigii UDUB,isla markaanna ahaa xildhibaanaddii codka aqlabiyadda ah ku soo baxay. Waxa uumuddo dheer ahaa Gudoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda,guddigaas oo lafdhabar u ah hawlaha baarlamaanka. Muddo 22 sano ku dhaw oo uu marxuumkuka mid ahaa Golaha Wakiiladda ee Somaliland waxa uu muujiyey hab-dhaqan naadir ah kaasi oo salka ku hayabisayl siyaasadeed, aragti qaan-gaadh ah iyo macaamil hufan.
Dhinaca waxbarashada, marxuunku waxauu ku suntan yahay dib-u- yagleelkatacliinta sare isaga oo ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay Jaamacadda dalka,gaar ahaan, Jaamacadda Hargeysa. Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay JaamacaddaHargeysa, ilaa maantanna waxa uu ka tirsannaa macalimiinta ugu waayo-aragsan eeloogu jecel yahay Jaamacadda Hargeysa. Muddo afartan sano kor u dhaaftay ayuuBare sare Miigane Ilaahay ha u naxariistee dadkiisa dhinaca aqoonta kadhisayay, maskaxdoodana korinayay.
Shakhsiyad ahaan, Xildhibaan/BareMaxamed Barkhad Miigane waxa uu ahaa qof furfuran oo farxaan ah. Waxa uu ahaashakhsi laab balaadhan oo dabci wanaagsan iyo dad jacayl qalbigiisa biya dhigeen.
Allah ha u naxariistee marxuumku waxauu ifka kaga tagay laba xaas iyo 11 caruur iyo awlaadda ay sii dhaleen. Ilaahay ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha, dhamaanteenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
W/Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud