Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Somaliland oo caawa ka ambabaxay dalka Ingiriiska.

$
0
0

Hirsi, AhmedweliAwdalpress – London – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland mudane Hirsi Xaaji Cali iyo guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka Somaliland Mudane Baashe ayaa maanta ka ambabaxay dalka Ingiriiska, kadib socdaal kooban oo usbuuc qaatay oo ay ku joogeen dalka Ingiriiska.

Mudane Hirsi oo intii uu joogay London kulan la yeeshay xubno ka tirsan Jaaliyadda Awdal ee dalka Ingiriiska.

Odayda Jaaliyadda ee uu Wasiirka Madaxtooyadu sida gaar uu ula kulmayna waxa ka mid ahaa Ahmedweli Goth iyo Muuse Cawaale Faahiye. Is warsi iyo wada hadal kadibna waxa ay isla qaateen in yeeshaan wada shaqayn fiican oo ay ka mid yihiin ictiraaf raadinta Somaliland iyo arrimo kale.

Wasiirka Madaxtooyada iyo wafdiga la socday ayaa intii ay dalka Ingiriiska joogeen sidoo kale la kulmay Jaaliyadaha reer Somaliland ee kala deggen magaalooyinka  Cardiff, Bristol, London, Birmingham iyo Shaffield. Waxana ay wadigu magaalooyinkaa kala kulmeen soo dhaweyn diirran.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles