Dr Cabdishakuur cabdilaahi Sh.Ibrahim (Dr Sanco ) ayaa wareysi ku saabsan xanuunka jooniska siiyey idaacada Afka Soomaaliga ku hadasha EE ERGO Cagaarshowga, jooniska ama Indha-caseeyaha ayaa ka mid ah xanuunada inta badan halista xambaarsan ama galaafta nolosha qofka uu helo, bulshada Soomaalida ah ee gudaha joogtana wuxuu ku jira kuwa badan ee ay ka cawdaan, xanuunkani wuxuu ka mid yahay kuwa sida dhididka, dhiiga, wada cunista iyo galmadaba lagu kala qaado. Boqolaal milyan oo bulshada aduunka ah ayaa xanuunkani hayaa, isagoo sanad walba aduunka ku dila in ka badan nus milyan qof, dhakhaatiirta ayaa sheegaya in bulshadeennu aysan aad ugu baraarugsanayn halista xanuunkan. Weriyeheenna Abdirahman Mohamed Haaji ayaa xanuunkan siyaabaha uu ku fido, halista uu leeyahay, hababka looga badbaadi karo iyo waxa bulshada la gudboonba wuxuu ka waraystay Dr. Cabdishakuur Cabdullaahi Sanco oo ku takhasusay cuddurada guud, cudurrada caruurtana u qaabilsan cisbitalka gaarka loo leeyahay ee Al-HILAAL. CLINIC.
Halkan Ka Daawo :