Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo ku kulmay Garoowe

$
0
0

Sharmaarke-iyo-Gaas-300x200Raysul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashii Cali iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Garoowe ugu hadlay arrimo ay kamid yihiin hiigsiga cusub ee 2016-ka, qeybsiga dhaqaalaha loogu deeqo Soomaaliya, dhisidda ciidan mideysan iyo dhammeystirka nidaamka federaalka iyo dastuurka dalka.

Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa goob joog u ahaa shirka.

Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii looga dhabeyn lahaa hiigsiga 2016-ka, iyo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa nabad iyo horumar.

Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ay masuul ka tahay dalka oo dhan, ayna diyaar u tahay in wada hadal ay dhex dhigto dhammaan umadda Soomaalida ah.

Raysul wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay helidda ciidan tayo leh oo mideysan iyo dhammeystiraka howlaha qabyada ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada tashto aayaha qaranka iyo midnimada umadda, isagoo xusay in Puntland ay horseed u tahay nidaamka federaalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles